Maxamed Calaa al-Jaliil: “In ka badan 1000 bisadood ayaa xanaaneyaa

Maxamed Alaa al-Jaliil ayaa ah nin qaaday masuuliyada daryeelka bisadaha magaalada Aleppo ee dalka Syria halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidamada dowlada Bashar al-Assad iyo kacdoonki ka soo horjeeday.

Waxaa lagu qasbay inuu ka baxo magaalada sanadkii 2015 ka dib markii uu sii xoogeystay dagaalada u dhexeeya kooxaha iska soo horjeeda, laakiin waxaa uu doorbiday inuu daryeelo bisadaha ku jira xeen daabka dagaalka.

Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters, Maxamed al-Jaliil wuxuu la wadaagay waqtiyadii adkaa ee ay isaga iyo bisaduhu soo mareen halkaas oo uu ka soo qaadey magaalada Xalab.

“Dagaalku wuxuu ka socdaa dhinac walba, dadku way ka baxeen magaalada. Waxay u baahan yihiin cunno joogto ah. Waan diyaariyaa oo waan uu qaybiyaa. Way garanayaan meesha aan wax uu dhigo.” Sidaana waxaa yirii Alaa Al-Jaleel.

Maxamed Calaa Al-Jaliil ayaa sheegay in bisadda noloshooda ay ka mid noqotay nolosha qoyskiisa maxaa yeelay waxaay uu baahan yihiin quudin joogto ah maadaama ay yihiin xubno ka tirsan qoyskiisa oo duruufo adag ku sugan.

Maxamed wuxuu si joogto ah u daaweeyaa bisadaha, wuxuu saaraa kombiyuutar si uu ula socdo caafimaadkooda, wuxuu wareysiga ku sheegay wixii uu kala soo kulmay xanaaneyntooda iyo isku dhacii ka dhacay magaaladiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More