BF oo ka hadlayaa dhaqdhaqaaqa”doorashooyinka qaranka”berri
Muqdisho (Axadle) - Xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa caawa helay qoraal uu ku wargaliyey gudoonka in uu jiro kulan maalinta Isniinta ah ee golaha, ajandaha kulanka waxaa ka mid noqon doona soo jeedin ku saabsan "doorashooyinka qaranka."
"Mudane Xildhibaan Beri, Isniinta 12-ka Abriil waxaa jira kulan guud oo ka dhicii doona Aqalka Hoose. Mawduuca, Waxaa lagaga doodaya soo-jeedin ku saabsan doorashooyinka qaranka. Saacaddu waa 09:00," ayaa lagu yiri bayaanka loo diraay xildhibaanada.
Walaac ayaa durba isa…