Waa Maxay Sababta Looga Soo Horjeedo European Super League? Maxaa Loo
Waxaa la soo gaaray waqtigii ay baqi jireen taageerayaasha kubada cagta tobanaankii sannadood ee ugu danbeysay. European Super League waxaa muddo dheer ku hanjabayay kooxaha ugu waa weyn qaarada Yurub kuwaasoo aaminaa inay u qalmaan lacag ka badan tan ay haatan helaan iyo inay iyaga go’aamiyaan mustaqbalka kubada cagta sababtoo ah iyaga ayaa ah kooxaha loogu daawasho badan yahay.Mudadii sannadaha aheyd, UEFA Champions League waxaa loo bedbelay kooxaha waa weyn dartood, waxaa laga soo tagay qaabkii bug baxda ahaa ee European…