DAAWO: “Qayrkaa Ayaa La Doontaa…” Ereyadii Cavani Ku Yidhi Karsdorp

Edinson Cavani ayaa degay qalbiga Manchester United kulamadii ay ku karbaasheen AS Roma oo ay semi-finalka Europa League kaga badiyeen 8-5 isku darka natiijada labadii ciyaarood.

Cavani ayaa min laba gool dhaliyey labadii ciyaarood ee Roma, waxaana uu ku darsaday laba caawimood, laakiin arrinta ay taageereyaasha kooxdu kusii jeclaadeen maaha shaqadiisii gudaha garoonka ee dhalinta goolasha iyo ciyaarista kubadda cagta.

Weeraryahanka reer Uruguay ayaa dagaal kala hor-tegay laacibka Roma ee Rick Karsdorp oo gardarraysanayay da’yarka Manchester United ee Mason Greenwood, kaas oo uu damacsanaa in uu soo qabsado oo uu hanjabaad kula kaco.

Laakiin Cavani ayaa dagaal kala hortegay Rick Karsdorp oo ay kaladhka is-qabsadeen, waxaanay isweydaarsadeen hadallado hanjabaad iyo dagaal ka muuqdo.

Cavani ayaa si lama filaan ah u hor istaagay Rick Karsdorp oo aan filaynin xilli uu kusii jeeday Greenwood.

Greenwood ayay marka hore isku dhaceen laacibka khadka dhexe uga ciyaara Roma ee Gianluca Manicini oo uu taakal ku qabtay meel u dhow koornaha uu garoonka ee uu calanku ka taagan yahay, waxaase arrinta soo dhex-galay Rick Karsdorp oo damcay in uu u hiiliyo Mancini.

Laakiin Greenwood ayaa helay garab degdeg ah, waxaana soo dhex-galay Edinson Cavani oo isla markii uu difaaca midig ee reer Holland uu riixay Greenwood labada gacmood dib u qabtay.

Edinson Cavani ayaa markiiba dhinaca kaga qabtay oo kala tuuray Rick Karsdorp, waxaana uu ku yidhi ereyadan: “Waxa la doontaa qof qayrkaaga ah.”

Taageereyaasha Manchester United ayaa ka helay sida uu Cavani u difaacay Greenwood, iyagoo baraha bulshada ku amaanay.

Halkan ka daawo muuqaalka dhacdada:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More