RASMI: Xiddigaha Atletico Madrid Ee Kulanka Barcelona Oo La Shaaciyey

Atletico Madrid ayaa Camp Nou tegaysa Sabtida, halkaas oo ay kulan xaasaasi ah oo go’aamin kara rajada labada kooxood ee horyaalka LaLiga ay kula soo ciyaari doonaan Barcelona.

Tababare Diego Simeone ayaa dib u helay ciyaartoyda kooxdiisa oo dhan, mana jiraan walaac dhaawacyo ama ganaaxyo ah oo ka xakamayn kara qaar ka mid ah xiddigihiisu in ay kulankaas saftaan.

Xiddigaha Atletico Madrid ee kulanka Barcelona la shaaciyey, waxa ku jira halbowleyaashii boos walba, sida Luis Suarez oo ka hor tegi doona kooxdiisii hore, iyadoo ciyaartoodii hore uu ku seegay dhaawac.

Markii ugu horreysay ayuu Diego Simeone dib u helay kooxdiisa oo dhamaystiray xilli ciyaareedkan, iyadoo kulanka Barcelona u noqonayo markii u horreysay ee fayraska korona, dhaawacyo iyo ganaaxyo ay badqab ka yihiin.

Diego Simeone ayaa soo xushay 22 ciyaartoy oo uu kala hortegi doono Barcelona, waxaanay raadin doonaan guul si ay horyaalka ugu guuleysan karaan markii ugu horreysay tan iyo 2014kii.

Saxeexii cusbaa ee ay Atletico samaysay bishii January ee Moussa Dembele ayaa ku jira ciyaartoyda weerarka ah ee uu Simeone kala dooran doono, waxaana sidoo kale diyaar ah Joao Felix, Luis Suarez iyo Angel Correa.

Siddeed ciyaartoy oo khadka dhexe ah oo kusoo baxay liiska Atletico Madrid, waxa ku jira Yannick Crrasco, Koke, Saul, Marco Llorentte iyo laacibiin kale.

Difaaca oo ah halka ay Atletico Madrid ka xooggan tahay, waxa maanta diyaaradda u raacay Barcelona Savic, Felipe, Hermoso, Vrsaljko, Lodi, Trippier, Hermoso iyo Gimenez

Xiddigaha Atletico Madrid ee kulanka Baracelona:

Goolka: Jan Oblak, Ivo Grbic

Difaaca: Jose Gimenez, Renan Lodi, Stefan Savic, Felipe, Mario Hermoso, Kieran Trippier, Sime Vrsaljko

Dhexda: Geoffrey Kondogbia, Lucas Torreira, Koke, Saul, Thomas Lemar, Marcos Llorente, Hector Herrera, Vitolo, Yannick Carrasco

Weerarka: Joao Felix, Luis Suarez, Angel Correa, Moussa Dembele

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More