CHAMPIONS!!! Bayern Munich Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Bundesliga Iyo
Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa ku guuleysatay horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga markii sagaalaad oo xidhiidh ah, waxaanay kulankii ugu dambeeyey maanta kusii xasuuqday Augsburg, iyadoo uu rikoodh cajiib ah dhigay Robert Lewandowski oo dhaliyey goolkiisii 41aad ee horyaalka ee xilli ciyaareedkan dhamaaday.Bayern Munich ayaa guusheeda horyaalka waxay xaqiiqsatay horraantii bishan May, waxaanay kulamadii ugu dambeeyey oo dhan dheelaysay iyadoo kaliya sugaysa inta la gaadhayo kulanka ugu dambeeya ee lagu…