MUHIIM: Go’aanka Kama Dambaysta Ah Ee Uu Lionel Messi Ka Gaarey

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan iyo qorshe ka leeyahay mustaqbalka kooxdiisa xilli heshiiska uu hore ugu joogay Camp Nou uu yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Messi ayaa ugu dhawaaday badhtamaha 2020 inuu ka tago Barcelona oo ah kooxda uu kusoo qaatay xirfadiisa oo dhan kaddib markii ay kooxdu sanadkii hore ku dhammaysatay koobab la’aan.

Leo ayaa warqada codsiga bixitaankiisa miiska u saaray Barcelona balse madaxweynihii wakhtihgaas ee Josep Maria Bartomeu oo ay dad badani ku eedeeyaan hoos u dhaca kooxda ayaa ka diiday inuu si bilaash ah kooxda kaga tago.

Markale xilli ciyaareedkan ayaan mid guuleed u ahayn Blaugrana oo kusoo guuleysatay Copa Del Rey balse wareega 16-ka kaga hadhay Champions League isla markaana booska saddexaad kaga dhammaysanaysa La Liga.

Laakiin rajada cusub ayaa ah in dhawaan madaxweyne loo doortay Joan Laporta oo ah madaxweyne wakhti hore oo qurxoon lasoo maray kooxdaas.

Sida uu sheegayo hadda muuq-baahiyaha beIN Sports, Messi ayay ka go’antahay inuu sii joogo Barcelona oo horeba u gaadhay go’aanka uu baaqiga ugu sii ahaanayo kooxdiisa.

Leo ayaa laga fasaxay kooxda kulankeeeda ugu dambeeya xilli ciyaareedka ee toddobaadkan iyadoo la nasinayo maadaama oo uu inta badan kulamada 2020-21 kasoo muuqday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More