Shaxaha Rasmiga ah Ee Real Madrid vs Villarreal, Atletico vs

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa maanta lagu soo xidhayaa kulamo ay kooxuhu isku xidhan yihiin oo ay midba rajaynayso in midda kale laga badiyo si ay horyaalka ugu guuleysan karaan amaba ay uga badbaadi karaan in ay heerka labaad u dhacaan.

Tababare Diego Simeone ayaa shaxdii ugu adkayd kusoo galay garoonka iyadoo haddii ay kooxdiisu badiso ay noqonayso horyaalka xilli ciyaareedkan, ayna ku guuleysanayso koobkeedii ugu horreeyey ee LaLiga ah tan iyo 2014.

Yannick Carrasco, Angel Correa iyo Luis Suarez ayaa afka hore ee Atletico Madrid kusoo wada bilowday, waxaana khadka dhexe ka taageeraya Marco Llorente, Saul Niguez iyo Koke, halka difaacana ay taagan yihiin Stefan Savic, Felipe, Mario Hermoso iyo Kieran Trippier.

Real Madrid oo iyaduna horyaalka  hanan doonta haddii laga badiyo Atletico, iyaguna ay ka badiyaan Villarreal ayaa uu Zidane isbeddello ku sameeyey, waxaana uu khadka difaaca keenay Raphael Varane oo kasoo laabtay dhaawac, kaas oo beddelay Nacho, halka Ramos uu kaydka fadhiyo.

Eder Militao iyo Varane ayaa wadaagaya difaaca dhexe, waxaana garbaha ka taagan Miguel iyo Odriozola, halka dhexdana ay joogaan Casemiro, Modric iyo Valverde, laakiin weerarka ayaa  uu awoodda saaray tababaruhu, waxaanu iskugu keenay Vinicius Junior, Marco Asensio iyo Karim Benzema.

Dhinaca kale, Barcelona oo uu ka maqan yahay Lionel Messi ayaa shax isbeddello badan uu sameeyey uu kusoo galay Ronald Koeman, waxaana hoggaaminaya Ousmane Dembele iyo Griezmann, waxaana wehelinaya Trincao oo isaguna kusoo bilowday weerarka.

Khadka dhexe ayay wada joogaan Sergio Busquets, Moriba iyo De jong, laakiin difaaca ayuu ka maqan yahay Gerard Pique, waxaana beddelay Araujo oo kaashanaya Mignuez, waxaana sidoo kale kaydka ku jira Alba oo uu booskiisa la wareegay Junior Firpo iyo Sergio Dest oo dhinaca midig taagan.

Shaxaha ay garoonka kusoo galeen Real Madrid, Atletico Madrid iyo Barcelona:

Barcelona XI: Neto; Dest, Mingueza, Araujo, Firpo; De Jong, Busquets, Moriba; Trincão, Griezmann, Dembélé (4-3-3)

Real Madrid XI: Courtois, Odriozola, Varane, Militao, Miguel, Casemiro, Modric, Valverde, Asensio, Vinicius, Benzema.

Atletico XI: Jan Oblak, Kieran Trippier, Mario Hermoso, Stefan Savic, Felipe, Koke, Saul, Marcos Llorente, Yannick Carrasco, Angel Correa, Luis Suarez

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More