Waa Kuwan Labada Kooxood Ee Kaliya Ee Uu Marcus Rashford Sheegay Inuu

Da’yarka garabka weerar ee kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa diiday inuu meesha ka saaro fursada uu mustaqbalka kaga ciyaari karo horyaalada kale ee aan Premier League ka ahayn.

Rashford oo tan iyo carruurnimadiisii ahaa taageere Man United ah ayaa sheegay in kooxaha ree Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ay yihiin labada kooxood ee uu mustaqbalka uga wareegi karo.

Rashford ayaa xilli ciyaareedkan 21 gool kasoo dhaliyay tartamada oo dhan si uu uga caawiyo United inay booska labaad kaga dhammaysato horyaalka sidoo kalena gaadho Final-ka Europa League.

Kor u kaca ciyaareed ee 23 sano jirkaas ayaa ahaa mid dhaliyay in sanadihii hore lala xidhiidhiyo heshiisyo uu ugu wareegayo Barca iyo Madrid labadaba.

Heshiiska uu Rashford ku joogo Old Trafford ayaa ah mid dhacaya 2023 iyadoo waliba kooxdu ay sanad kale dookh u haysato inay kordhiso.

Rashy ayaa ahaa mid kasoo tirsanaa Man United tan iyo markii toddoba sano jirka ahaa isaga oo kamida xiddigaha kasoo baxay akaademiyada.

“Anigu marnaba ma odhan karo ma dhici karto” ayuu ugu horreynba ku jawaabay Rashford oo wargeyska Guardian uu weydiiyay haddii uu mustaqbalka dal kale ka ciyaari karo.

“Ma marka laga yimaado United? waxaan taageere weyn u ahay Real Madrid iyo Barcelona sababtoo ah iyagu markasta waxa ay haysteen ciyaaryahano waaweyn waxaana ay ciyaari jireen kubad soo jiidasho leh”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More