Neymar Oo Heshiis Cusub La Gaartey PSG & Mbappe Oo La Sugayo Iyo Warka
Kooxda kubadda caggta PSG ayaa maanta ku dhawaaqaysa heshiis cusub oo uu u saxeexay xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr oo qalinka ku duugaya qandaraas uu waqtiga ugu dheeraynayo naadigiisa oo socon doona illaa 2026.Neymar oo heshiiska uu kula jiro PSG uu ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedka dambe ee 2021/22, ayaa waxa uu ogolaaday in uu saxeexo qandaraas cusub oo maanta la shaacinayo, sida ay qoreen warbaahinta waddanka Faransiisku.Wargeyska caanka ah ee L’Equipe ee kasoo baxa Faransiiska ayaa waxa uu sheegay in dooddii ka…