David Alaba Oo Soo Gaarey Magaalada Madrid & Waqtiga Real Madrid Ay
David Alaba ayaa soo gaadhay magaalada Madrid maalintii Salaasada, waxaana uu isku diyaarinayaa in Real Madrid uu qalinka ugu duugo heshiis bilaash ah oo uu ugaga soo wareegay Bayern Munich oo qandaraaskii uu kula jiray uu kasoo dhamaaday.28 jirkan ayaa Real Madrid u saxeexi doona heshiis shan sannadood ah oo Santiago Bernabeu kusii hayn doona illaa inta ay da’diisu noqonayso 33 jir.Telefishanka Gol TV ayaa sheegay in David Alaba uu Salaasadii soo gaadhay Madrid iyadoo uu la socdo wakiilkiisa iyo sidoo kale lataliyihiisa…