England Oo Guul Ka Gaartey Romania, Rashford Oo Soo Afjaray Rikoodhkii
Xulka qaranka England ayaa soo afjartay rikoodhkii murugada lahaa ee ka haystay Romania oo aanay ka badinin muddo 51 sannadood ah, waxaana ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday magaalada Middlesbrough ay ku badiyeen 1-0.
England oo isku diyaarinaysa tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 ee Jimcaha bilaabmaya waxay kulankii labaad oo saaxiibtinimo ku ballansatay Romania oo ay ugu dambaysay in ay ka adkaato intii uu socday Koobkii Adduunka ee 1970kii, waxaana la baxsaday Marcus Rashford oo beddel ku baxay, kana badbaadiyey in…