Real Madrid Oo Rumaysan In Manchester United Mar Horeba Heshiis La
Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayuu kusii kordhayaa walaaca la xidhiidha difaaceeda Raphael Varane, waxaanay rumaysan tahay inuu mar horeba heshiis la gaadhay Manchester Untied oo uu ku biirayo.Los Blancos ayaa dhawr jeer isku dayday inay Varane la yeelato wada-hadallo ay ugu kordhinayso heshiiskiisa oo ku eg dhamaadka xilli ciyaareedka dambe, isla markaana sannad kaddib si xor ah uga tegi karaya.Laba jeer oo dalab heshiis cusub ah ay hordhigtay Real Madrid ayaanu Varane ogolaanin, waxaana kaga sii daran in xataa aanu wax…