“Waa Degdeg, Xoog Iyo Kubbadaha Sare Oo Uu Ku Wanaagsan Yahay, Waan Ka
Jurgen Klopp ayaa daboolka ka qaaday sababta uu ku doortay in uu lasoo saxeexdo difaaca reer France ee Ibrahima Konate oo shan sannadood oo heshiis ah qalinka ku duugay Jimcihii, kaddib markii ay Liverpool bixisay £36 milyan oo Gini oo RB Leipzig ay ku xidhay qandaraaskiisa.Klopp ayaa sheegay in uu muddo dheer yaqaanay ciyaartoygan, isla markaana uu ku arkay tayooyinkii uu u baahnaa, isagoo qiray in uu xoojin doono safka difaaca ee Liverpool ee ay dhaawacyada muddada dheer kaga maqnaayeen Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel…