“Waa Degdeg, Xoog Iyo Kubbadaha Sare Oo Uu Ku Wanaagsan Yahay, Waan Ka

Jurgen Klopp ayaa daboolka ka qaaday sababta uu ku doortay in uu lasoo saxeexdo difaaca reer France ee Ibrahima Konate oo shan sannadood oo heshiis ah qalinka ku duugay Jimcihii, kaddib markii ay Liverpool bixisay £36 milyan oo Gini oo RB Leipzig ay ku xidhay qandaraaskiisa.

Klopp ayaa sheegay in uu muddo dheer yaqaanay ciyaartoygan, isla markaana uu ku arkay tayooyinkii uu u baahnaa, isagoo qiray in uu xoojin doono safka difaaca ee Liverpool ee ay dhaawacyada muddada dheer kaga maqnaayeen Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip.

Tiro difaacyo ah ayaa lala xidhiidhiyey Liverpool ka hor intii aanay go’aansanin in ay Konate lasoo saxeexdaan, waxaana doorashada ugu dambaysay sameeyey Jurgen Klopp oo xushay 22 jirkan oo uu yaqaanay illaa waqtigii uu ka ciyaarayay Sochaux oo uu ku qaatay muddo saddex sannadood ah ka hor intii aanu ku biirin RB Leipzig sannadkii 2017.

Jurgen Klopp oo wax laga weydiiyey Ibrahima Konate ayaa yidhi: “Dahb ahaantii waan ku faraxsanahay in aanu awoodnay, in aanu kooxda kusoo kordhinay ciyaartoy tayada Ibrahima leh, waxaanu ka mid yahay ciyaartoyda aan waqtiga dheer la dhacsanaa, xataa waxa aan ka war helay hibadiisa markii uu joogay Sochaux.

“Saxeexa Ibrahima, waa ciyaartoy wax kusoo kordhin doona tayadii aanu marka  horeba halkan ku haysanay. Sifooyinkiisa jidheed waa kuwo cajiib ah; waa ciyaartoy orod badan, aad u xooggan, kuna wanaagsan kubbadaha sare.

“Waxa uu noo imanayaa isagoo RB Leipzig usoo ciyaaray in ka badan 90 kulan oo Bundesliga iyo kubadda cagta Yurub ah. Waxa aan hubaa in tiradaasi badan tahay, laakiin waxa jiray dhaawacyo soo gaadhay. Xataa kuwaasi (dhaawacyadu) waxa uu ka helay khibrad uu si heersare ah kaga tartami karo tartamada adag.

“Waxa kale oo uu kooxda u ciyaaray kulamo cadaadiskoodu badnaa oo Champions League ahaa, waxaanu leeyahay aragtida kubadda cagta ee aanu ka aragnay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More