James Rodriguez Oo Laga Saaray Xulka Qaranka Colombia Ee Tartanka Copa

Xulka qaranka Colombia ayaa laga reebay laacibka khadka dhexe ee James Rodriguez oo ka maqnaan doona tartanka qaramada Latin America ee Copa America oo badhtamaha  bisha June bilaabmi doona.

Xiddign Everton ayaa toddobaadkii hore gaadhay waddankiisa Colombia, kaddib maalmo kooban oo uu waqti la qaatay qoyskiisa iyo saaxiibbadii, isagoo sidoo kalena samaynayay jimicsiyo jidh-dhis ah oo uu iskugu diyaarinayo tartanka Copa America  iyo ciyaaraha saaxiibtinimo ee ka horreeya.

Laakiin shaqaalaha caafimaadka xulka qaranka Colombia ayaa soo afjaray rajadii uu James Rodriguez ka qabay in uu xulka qarankiisa ka mid noqdo.

Laacibkan ayay tiro dhaawacyo ahi soo gaadheen xilli ciyaareedkan, kuwaas oo sababay in uu kulamo badan oo horyaalka Premier League ah ka maqnaado, iyadoo loo ogolaaday in kulankii ugu dambeeyey kooxdiisa ee Man City ay ku bahdishay 5-0 uu iskaga maqnaado, si uu iskugu diyaarin karo xulka qarankiisa.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Colombia ayaa waxa lagu sheegay, in James Rodriguez laga saaray xulka qaranka Colombia ee kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Peru iyo Argentina iyo sidoo kale tartanka Copa America.

Qoraalka ayaa u dhignaa sidan: “Shaqaalaha tababarka xulka qaranka Colombia, waxay ku wargeliyeen James Rodriguez in laga saaray xulka ka qayb-gelaya kulamada Peru iyo Argentina ee isreeb-reebka Koobka Adduunka Qatar 2022 iyo CONMEBOL Copa America  2021.”

War-saxaafadeedka ayaa intaa ku daray, in baadhitaano caafimaad oo kala duwan oo lagu sameeyey laacibkan, in lagu ogaaday in aanu taam u noqon karaynin tartankan oo dhaawacyadii soo gaadhay aanu kasoo kaban karin.

“Tababaraha iyo shaqaalihiisu waxay ka murugaysan yihiin, in aanay awoodi karaynin in ay xulka qaranka ugu yeedhaan James Rodriguez, waxay se rajaynayaan in uu laacibka khadka dhexe si degdeg ah u awoodi doono in uu qayb ka noqdo xulka oo uu metelo waddankayaga.” Ayaa sidoo kale lagu yidhi war-saxaafadeedka.

James Rodriguez ayaa 80 kulan u saftay xulka qaranka Colombia, waxaanu u dhaliyey 23 gool iyo 25 kale oo uu caawiye ka noqday.