Xiddig Muhiim Ah Oo Manchester City Kaga Dhaawacmay Tababarka Saacado
Kooxda kubadda cagta Manchester City ayay jug weyni soo gaadhay ka hor kulanka finalka Champions League ee habeen dambe ay foodda isku dari doonaan Chelsea, waxaana tababarkii maanta ku dhaawacmay ciyaartoy laf-dhabar ah oo maqnaanshihiisu waxyeello ku yahay Pepp Guardiola.
Manchester City ayaa maanta samaysay tababar ay iskugu diyarinayso ciyaarta finalka ee Sabtida, waxaana usoo yeedhay arrin murugo leh oo ah in garoonka tababarka laga saaray laacibka khadka dhexe ee Ilkay Gundogan oo sii wadan kari waayey in uu ciyaartoyda lasii qaato tababarka.
Wariyahaha ciyaaraha Marcelo Bechler ayaa kusoo warramaya in Ilkay Gundogan uu dhaawac yahay, garoonkana laga saaray, taas oo ka dhigan in uu laacibkani halis ugu jiro in uu seego finalka Champions League.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada, ayuu wariye Marcelo Bechler ku yidhi: “Gundogan wuxuu ka tegay tababarka kaddib dhaawac! Wuxuu u muuqdaa in muruqa uu dhaawacu kasoo gaadhay.”
Gundogan oo ka mid ah ciyaartoydii ugu wanaagsanaa Manchester City xilli ciyaareedkan, una dhaliyey goolasha ugu badan, ayaa la filayay inuu kusoo bilowdo kulanka Chelsea ee finalka Champions League.
Tababare Pep Guardiola ayaan ka hadal dhaawaca soo gaadhay Ilkay Gundogan, laakiin waxa la rumaysan yahay in aanu ahayn mid halis ah balse haddana kulanka Chelsea ee finalka Champions League oo saacado kooban ka hadhsan yihiin ayay adag tahay in uu taam usoo noqdo.