Manchester United, PSG mise Chelsea? Kooxda Uu Kusii Jeedo Sergio
Sergio Ramos ayaa soo afjaray 16 sannadood oo uu u ciyaarayay Real Madrid, taas oo uu sannadkii 2005 kaga soo biiray Sevilla, isla markaana uu guulo badan la gaadhay.Real Madrid ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Sergio Ramos uu ka tegayo iyadoo heshiiskii uu kula jiray uu ku egyahay dhamaadka bishan June, sidaana uu qaab xor ah kaga baxayo Los Blancos.Tababare Carlo Ancelotti ayaa isku dayay inuu ku qanciyo Ramos inuu sii joogo oo ay mar kale ka wada shaqeeyaan Santiago Bernabeu, laakiin Ramos ayaa…