Gianluigi Buffon Oo Soo Afjaray Waayihiisii Juventus, Kuna Laabtay

Gianluigi Buffon ayaa soo afjaray waayihiisii Juventus, waxaanu dib ugu laabtay kooxdiisii yaraantii ee uu u ciyaari jiray ka hor intii aanu imanin Juve ee Parma, taas oo uu u saxeexay heshiis laba sannadood ah.

Horraantii toddobaadkan, goolhyaha 43 jirka ah ayaa xaqiijiyey in uu sii wadi doono ciyaaraha oo aanu ka fadhiisan doonin, laakiin uu ka tegay Juventus oo xilli ciyaareedkii tegay uu u saftay 14 kulan oo kaliya oo dhamaan tartamada ah.

Goolhayahan ruug-caddaaga ah ayaa helay in ka badan shan dalab, waxaana kooxaha doonayay ka mid ahaa Besiktas oo Turkey ah iyo Flamengo oo ka dhisan Brazil.

Laakiin Gianluigi Buffon ayaa ku qancay qorshaha kooxdiisii hore ee Parma oo u dagaallamaysa inay dib ugu soo laabato horyaalka Serie A xilli ciyaareedka soo socda.

Sida uu sheegay wariyaha Talyaaniga ee looga dambeeyo suuqa ee Fabrizio Romano, Gianluigi Buffon ayaa qalinka ku duugay heshiis laba sannadood ah oo uu kaga mid noqonayo Parma, laakiin xilli ciyaareedka dambe ayuu kasoo muuqan doonaa horyaalka heerka labaad ee Talyaaniga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More