“Ma Doonayo Inuu Ku Biiro Arsenal, Waa Koox Weyn Laakiin…..” – Andre
Halyeeyga kubadda cagta Netherlands ee Wesley Sneidjer ayaa goolhayaha Ajax ee Andre Onana uga digay inuu ku biiro kooxda Premier League ee Arsenal oo xiiso u muujisay saxeexiisa bilihii ugu dambeeyay.Sneidjer oo hore ugu soo ciyaaray Ajax ayaa aaminsan inuu Onana u qalmo wax ka badan Arsenal isla markaana uu mudan yahay mid ahaan kooxaha Real Madrid ama Barcelona.Goolhayaha heer caalami ee xulka Cemeroon ayaa la filayaa inuu iskaga tagi doono Ajax gudaha suuqa xagaagan waxaana magaciisa lagu hadal hayaa Arsenal.Gunners ayaa…