Wayne Rooney Oo Xushay Ugu Fiican Ee England Kula Ciyaari Karto
Wayne Rooney ayaa soo xushay shaxda fikir ahaantiisa ugu fiican ee xulka qaranka England kula ciyaari karay Jarmalka oo ay Salaasada ku ballansan yihiin wareegga 16ka.Gareth Southgate ayey horyaallaan go’aamo adag oo ah kala-doorashada ciyaartoydiisa, waxaanay wararku sheegayaan inuu isbeddello waaweyn samayn doono. Bukayo Saka iyo Jack Grealish ayaa qaab ciyaareed wanaagsan sameeyey kulankii Czech, halka Reheem Sterling uu ahaa laacibka labada gool ee Ingiriisku ka dhaliyey tartankan magaciisa ku qoray iyo Harry Kane oo ay…