AKHRISO OO HA YAABIN: Martin Braithwaite Waa Milyaneer Hantidiisu
Denmark oo uu hormood u ahaa Martin Braithwaite waxay xalay ka hadheen tartanka Euro 2020 oo ay soo gaadheen finalka, waxaanay sababsadeen rikoodh muran ku jiray oo waqtigii dheeraadka ahaa loo dhigay Raheem Sterling oo xerada ganaaxa ku dhacay.Intii uu tartanku socday oo ay ku jirto ciyaartii ugu dambaysay, ma ahayn laacibkii aad ku taqaanay Barcelona ee kaydku dilay, isla markaana sidii ciyaartoy liita xilliyada dambe mar-mar uun loo keenayay. Waxa uu ahaa tiir-dhexaad, hoggaamiye iyo xiddig ay kasii baqayaan…