Miyay Man City La Wareegaysaa Harry Kane Xagaagan? Guardiola Oo

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa Manchester City ay kusii adkaanayso fursada ay suuqa xagaagan kagala wareegayso weeraryahan cusub.

City ayaa si xoogan loola xidhiidhinayay weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane kaas oo dalab 100 Milyan oo pound ah oo ay ka gudbisay laga soo diiday halka ay sidoo kale jirto hadal hayn ah Erling Haaland oo isaguna Borussia Dortmund ka tirsan.

Guardiola iyo maamulka sarre ee City ayaa ah kuwo bar-tilmaameed ka dhiganayay saxeexa weeraryahan cusub kaddib markii uu Sergio Aguero oo ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kooxdaasi uu ku biiray Barcelona.

Haddaba, tababarihii hore ee Bayern Munich iyo Barcelona oo la hadlay muuqbaahiyaha ree Catalan ee TV3 ayaa sheegay in fursada ay kooxdiisu ku bedeli karto Sergio Aguero ay ka badantahay mida ay saxeexa weeraryahan la’aan kaga bixi karaan suuqa.

Pep oo aragtidaas dhiibanaya ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Markaad eegto qiimayaasha (Lasoo xiganayo), ma iibsanayno wax weeraryahan ah, waa wax aan macquul ahayn, ma bixin karayno”

“Dhammaan kooxuhu way dhibtoonayaan dhaqaale ahaan, anagu kama duwanin. Waxaanu haysanaa Gabriel (Jesus) iyo Ferran (Torres) kaas oo cajiib ku ahaa ka ciyaarista booskaas”

“Waxaanu haysanaa ciyaartoy da’yar oo akaademiga ku jira in badana waxaanu ku ciyaarnaa shaxda weeraryahanka beenta ah, waxa badan fursada aanaan xilli ciyaareedka dambe weeraryahan ugu soo iibsanayn”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More