WARBIXIN: SHAN Jeer Ayuu Sanka Ka Jawaabay, Wuxuu U Dagaallamaa Sida

Waa fiidnimo Axad ah oo ay yeedhayso heesta calamada England iyo Italy. Waa waqti ay tobannaan kun oo taageereyaal ahi ka qaylinayaan garoonka Wembley Stadium ee magaalada London, waana xilli ay fool ka fool iskaga hor imanayaan xiddigo uu hoggaaminayo Giorgio Chiellini iyo ciyaartoyda xulka England.

Giorgio Chiellini waxa uu ciyaarayaa tartankiisii ugu dambeeyey ee Euro ah, waxaanu rajaynayaa  in uu koobka kor u qaado isagoo ah kabtanka xulka Talyaaniga, laakiin waxa uu u baahan yahay dedaal dheeraad ah iyo nasiib isku raaca, si ay u xaqiiijisan karaan guushan.

Warbixintan waxa aanu ku soo gudbinaynaa xogo muhiim ah oo la xidhiidha Giorgio Chiellini oo qisooyin aadan hore uga maqal aanu kaaga sheegayno.

Waa 36 jir halgamaa ah oo difaaca uga ciyaara Juventus, laakiin ciyaaraha kasoo bilaabay iskuulkii uu dhigan jiray oo uu u ahaa hormoodkooda, wax walbana u sameeya sidii uu goolkiisa u ilaalin lahaa.

Giorgio Chiellini waxa laga yaqaanaa in aanu waxba la hadhin oo uu dhiigga u shubo xulkiisa iyo kooxdiisaba. Waxa uu adeegsadaa madaxiisa dahabka ah ee sida birta uu ugu dhigo kubadda. Adkaantiisa, hoggaamintiisa iyo dhiirranaanta ku jirta waxa loo aqoonsan yahay inuu yahay kabtanka ugu habboon ee xulka iyo kooxdiisaba.

Dadka qaarkood ayaa ku naanaysa ‘shaydaan’, sababtoo ah ma yaqaano cabsida, waligii kama baqanin in dhaawac soo gaadho, waxaana u dheer inuu ku faraxsan yahay in uu isagu waxyeelleeyo dadka oo uu gacmihiisa istacmaalo. Marka uu kubadda ka joojinayo goolkiisa, waxba lama aha in uu xataa gacanta ula tago ciyaartoyga ama kubadda, si uu u xaqiijiyo in aan gool laga dhalin.

Intii uu socday tartanka Euro, waxay si heersare ah u wada shaqaynayeen Leonardo Bonucci oo ay saaxiibbo dhow yihiin.

Kulankii Spain waxa uu qabsaday hadal-haynta isagoo xilligii rikoodheyaasha kor u qaaday Jordi Alba, iskuna dayey inuu kaga murmo cidda hor-laadaynaysa rikoodhada.

Naanaysiisa ‘shaydaan’ ee ah mid ay dadka dhalliilayaa u adeegsadaan, waxa u raacda mid kale oo dad kale ugu yeedhaan oo ah ‘Gorilla’. Waxay tani ku sallaysan tahay ciyaartiisa dagaalka ah, sida uu u socdo ee uu xabbadka iskaga horreysiiyo iyo in uu ciyaaro game ku jira telefoonkiisa oo la yidhaahdo Go Go Gorilla.

Talyaanigu waxay waligoodba nasiib u lahaayeen xiddigo waaweyn oo difaaca ah, waana dalka dunidu isku raacsan tahay inay kasoo baxaan difaacyada ugu wanaagsan. Markii uu Chiellini soo baxay, shaki kuma jirin inuu beddeli karayo Alessandro Nesta iyo Fabio Cannavaro oo la ogyahay wacdarihii ay ka dhigeen koobkii Adduunka 2006 ee ay ku guuleysteen Koobka Adduunka. Sidaas oo kale waxa gaadhay Franco Baresi iyo Paolo Maldini oo xataa kasii wanaagsanaa labada hore.

Chiellini oo lugta bidix ku dheela, waxa uu ku ciyaari karaa saddex difaac ama afar difaac oo uu intaba hoggaamiye u noqdo, waxaanu taas ku muujiyey muddadii dheerayd ee uu joogay Juventus.

Wali ma u fiirsatay wajigiisa? Waxa ku yaalla dhaawacyo iyo jeexdimo, waxaana la moodaa in uu yahay 50 jir. Laakiin bandhiggiisa ciyaareed ayuu ku caddeeyaa in uu yahay mid wajigiisu been sheegayo.

Markii uu sannadkii 2004 ku biiray Juventus ee uu waliba lasoo saxeexday Fabio Capello, waxa loo arkayay in uu yahay difaaca mustaqbalka ee dalkiisa iyo mid laga urinayay saansaantii Nesta, Cannavaro iyo Marco Materrazzi.

Waxyaabaha cajiibka ah ee lagu yaqaano waxa ka mid ah in aanu dheg jalaq u siinin qaylada taageereyaasha oo aanay waxba ka qaadin, waxaanu taas beddelkeeda niyadda u dhisaa ciyaartoyda kooxdiisa isagoo illowsiinaya qaylada taageereyaasha. Waxa la maqlaa isagoo afka kala waaxaya oo ku qaylinaya: ‘aynu socono! aynu soco!”

August 14, 1984 ayuu ku dhashay magaalada Tuscan ee waddanka Talyaaniga, waxaana la dhashay laba wiil iyo gabadh. Midkood waxa uu sannado badan wakiil usoo ahaa ciyaartooyo badan, haddana waa agaasimaha naadi heerka labaad ah.

Dhinaca waxbarashada, waxa uu Chiellini ka baxay jaamacadda University of Pisa oo uu ka bartay cilmiga dhaqaalaha iyo ganacsiga.  Ka hor inta aanu seexanin habeenkii, waxa uu waqti siiyaa akhriska, taasina waxay ka dhigtay mid aqoon ahaan dhisan, macluumaad badanna haya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More