Xiddigaha Ugu Muhiimsan Barcelona Oo Iska Diiday Mushahar Dhimis Cusub
Ciyaaryahanadda waaweyn ee Barcelona ayaa iska diiday codsi uga yimid madaxweynaha kooxdaas ee Joan Laporta kaas oo doonayay in mar kale ay ciyaaryahannadu ku noqdaan go’aankoodii hore oo ay mushahar dhimis kale sameeyaan.Barcelona oo ka cabanaysa dhaqaale xumo ayaa waxay u meel raadinaysaa sidii ay u dhimi lahayd mushaharkeeda oo laga doonayo inay ka saarto lacag ku dhow 200 milyan oo Euro ka hor inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedka cusub.Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo uu heshiiskiisii Barcelona dhamaaday saddex…