Sidee ayey golaha wasiirada Rooble ugu fashilmeen

Muqdisho (Axadle) – Golaha Wasiirada Ra’iisul Wasaare Rooble waxay noqdeen Wasiiradii u horreeyay ee xilliga kala guurka maareyn waayay kuna guuldareystay inay kuraas Xildhibaan ka soo helaan deegaanadii ay ka soo jeedeen.

Labadii jeer ee xilligii kala guurka sanadihii 2012 iyo 2017 Golaha Wasiirada ayaa udub dhexaad u ahaa sida Xukuumaddihii C/Weli Gaas iyo Cumar C/rashiid, Wasiiro badan ee Xukuumadahaas ka tirsanaa ayaa soo helay kuraas Xildhibaan.

Xukuumaddii C/weli Gaas waxaa Xildhibaan soo helay oo fursadii ay xilligaas heysteen ka faa’ideystaan soo xulidii Odayaashii dhaqanka ee 135 Oday. Labadii Ra’iisul Wasaare kuxigeen Xuseen Carab Ciise, C/wahaab Ugaas Khaliif, Wasiiradii Arrimaha Gudaha, Dastuurka, Qorsheynta iyo kuwa kale.

Sidoo kale Xukuumaddii Cumar C/rashiid Wasiiradii xilligaas joogay ayaa badi Xildhibaano ka soo qaatay doorashadii Ergooyinka ee xarumaha dowlad goboleedyada, waxaana xubnahaas ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Amniga, Dhalinyarada, Shaqada iyo Shaqaalaha, Warfaafinta, Boostada Isgaarsiinta iyo kuwa kale.

Hadda oo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamineyso hannaanka doorashada inta badan Wasiiradeedii ayaa ka soo waayay kuraas deegaanada ay ka soo jeedeen marka laga reebo Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan, Wasiirka Biyaha, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Dhalinyarada , Wasiir kuxigeenka Cadaaladda oo Xildhibaan soo qaatay, balse Wasiirada soo hungoobay ayaa waxaa ka mid ah: Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Maaliyadda, Duulista Hawada, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wwasaaraha, Wasiirka Beeraha, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo Wasiirkii Gaashaandhigga C/qaadir Jaamac oo isna kursi uu muddo ku taamayay ku guuldareystay inuu soo helo, kaasoo loo xiray Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More