Askar Mareykan ah iyo 60 qof oo kale oo ku la’day

0

Kabul (Axadle) – Ugu yaraan 10 askari oo ka tirsan ciidamada Marines-ka Mareykanka ayaa ku dhintay labada qarax ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha militariga.

Wararka ayaa sheegaya in tiro kale oo Mareykan ah lagu dhaawacay weerarka oo isgu jiray laba qarax iyo weerar toos ah oo uu fuliyey qof hubeysan.

Afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey dhimashada dhowr askari, hase yeeshee ma uusan bixin tiro rasmi ah.

Sidoo kale 60 qof oo shacab Afghanistan ah ayaa ku dhintay, 200 00 kalena waa ku dhaawacmeen qaraxyada, oo ay fuliyeen dad is-miidaamiyey, sida uu sheegay mas’uul ka tirsan ururka Taalibaan. Dadka dhintay waxaa ku jira caruur.

Mas’uulka ka tirsan Taalibaan ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah ilaalada Taalibaan lagu dhaawacay weerarka. Qaar ka mid ah ciidamada ajnabiga ah ee garoonka jooga ayaa sidoo kale la sheegayaa inay ku dhaawacmeen.

Banaanka garoonka diyaaradaha Kabul ayaa waxaa ku sugan kumanaan qof oo doonaya in galaan garoonka, si halkaas looga qaado oo loo geeyo dalalka Reer Galbeedka, ayaga oo ka cararaya kooxda Taalibaan.

Weerarka ayaa waxaa loo badinayaa inay fulisay kooxda Daacish ee dalka Afghanistan oo dagaal uu kala dhaxeeyo Taalibaan.

Saraakiisha Mareykanka iyo NATO ayaa dhowr saacadood un kahor sheegay inay heleen akhbaaraad sirdoon oo sheegaya in qarax is-miidaan ah la doonayey in lala beegsado garoonka.

Khasaaraha qaraxyada ayaa la filayaa inay sii kordhaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More