Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Antoine Griezmann Oo Weerar Ku Qaaday Macalinkiisa Barcelona

Antoine Griezmann ayaa u muuqday mid weerar ku qaadaya macalinkiisa Barcelona Ronald Koeman isagoo sheegay in tababarihiisa xulka France Didier Deschamps inuu garanayo booska laga ciyaarsiiyo.Griezmann ayaa dhaliyay gool ka dib kaliya sideed daqiiqo uu garoonka ku jiray kulankii ay France 2-1 kaga badisay Croatia ee tartanka UEFA Nations League, waa goolkiisii 32aad ee uu u dhaliyo dalkiisa isagoo dhaafay tirada goolasha ee uu Zinedine Zidane u dhaliyay xulka Le Bleus.Qaab ciyaareedkiisa Barcelona ayaan aheyn mid sidaas u…

Koox SADDEXAAD Oo Soo Gashay Tartanka Kylian Mbappe,

Kooxda ree Talyaani ee Juventus ayaa lasoo warrinayaa inay tartanka da’yarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe soo gashay iyagoo la loolami doona kooxaha Liverpool iyo Real Madrid oo saxeexiisa muddooyinkii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay.’Mbappe ayaa la filayaa inuu suuqa xagaaga ee sanadka dambe ee 2021 noqon doono mid ay kooxo badani saxeexiisa si ba’an ugu dagaallami doonaan.Heshiiska Kylian ee Paris Saint-Germain ayaa ah mid ay kaliya laba sano ka hadheen waxaana la sheegayaa inuu go’aansaday inuusan gabi ahaanba…

Liiska Kama Dambaysta Ah Ee 20-ka Da’yar Ee Abaalmarinta

Advertisements Waxa si rasmi ah loo shaaciyay liiska 20-ka da’yar ee iskugu soo hadhay tartanka abaalmarinta Golden Boy ee sanad kasta lagu caleemo saaro da’yarka ugu soo fiicnaa sanadkaas.Abaalmarintan oo caan ah isla markaana soo bilaabantay sanadkii 2003 ayuu bixiyaa wargeyska dalka Talyaaniga ee Tuttosport iyadoo da’yarkii ugu horreeyay ee ku guuleystay uu ahaa ciyaaryahankii ree Holland ee Rafael Van Der Vaart.Da’yarkii ugu dambeeyay ee ku guuleystay ayaa ahaa Joao Felix oo sanadkii hore lacag 126 Milyan oo euro ahayd…

Dareenka Lionel Messi Iyo Xiddigaha Barcelona Ee Ronald

Walow uu kaliya saddex kulan soo hoggaamiyay ilaa haatan, xiddigaha kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay kalsooni ku dareemayaan tabagare Ronald Koeman una arkaan mid jihada saxda ah kooxda ku wada.Tababaraha Dutch-ka ah ayaa maamulka Barcelona la wareegay kaddib markii ay kooxdu natiijo bahdilaad ah oo 8-2 ah kala soo kulantay dhigeeda Bayern Munich isaga oo ka caawiyay kooxda oo kala daadatay inay dib u midawdo.Sida uu sheegayo wargeyska Sport, xiddigaha Barcelona ayaa ku faraxsan wada sheekaysiga furan ee uu…

Barcelona Oo Si Degdeg Ah U Hirgelinaysa Mushahar Dhimis 30%

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa wada-hadallo degdeg ah la bilowday ciyaartoydeeda iyo dhamaan shaqaalaheeda, kuwaas oo ay ku samaynayso mushahar dhimis boqolkiiba 30 ah oo ay iskaga fudaydinayso culaysyada dhaqaale ee haysta.Sida ay ku warrantay warbaahinta Cadena Ser, Barcelona ayaa wada-hadal la yeelanaysa ciyaartoyda kooxda koowaad iyo shaqaalaha caadiga ahba todobaadyada soo socda, waxaanay ka doonaysaa inay heshiis rasmi ah oo mushahar dhimis ah isla gaadhaan inta ka horreysa November 5 oo ah waqtiga kama dambaysta…

Kooxdee Soo Saartay Ciyaartoydii Ugu Wanaagsanaa Ee Ingiriis

Kulanka Merseyside derby ee Everton iyo Liverpool oo Sabtida dhacaya ayaa si weyn loo sugayaa, waxaana halgan adag uu dhex mari doonaa kooxda haysa hoggaanka horyaalka Premier League ee uu sida wanaagsan Carlo Ancelotti iyo Liverpool oo u dagaallamaysa sidii ay u difaacan lahayd horyaalka ay xili ciyaareedkii hore ku guuleysatay.Sannado badan oo ay Liverpool gacan sarraysay kaddib, Everton ayaa dib usoo laba-kaclaysay, waxaanay awood u leedahay inay dabka ku shiddo loollankii magaalaysnaa ee dagaalkuna ku ladhnaa ee ay…

Muxuu Reece James Ka Yidhi Casaankii La Siiyey Markii Ay

Difaaca xulka qaranka England ee  Reece James ayaa kaadh cas loo taagay markii ay dhamaatay ciyaartii xalay waddankiisa guul-darradu kasoo gaadhay ee ay Denmark kaga adkaatay goolka rikoodhaha ah ee uu dhaliyey Christian Eriksen.England oo qaybtii hore kaadh cas lagaga saaray Harry Maguire oo laba qalad oo xunxun sameeyey ayaa waxay inta badan ciyaarta ku dheelaysay 10 ciyaartay, laakiin markii garoonka laga sii baxayay ayay noqdeen 9 laacib iyadoo casaan labaad uu bixiyey garsooraha kulanka.Reece James oo cadhaysan ayaa…

Mbappe Iyo Griezmann Oo Wacdaro Ku dhigay Croatia, Portugal Oo Aan

Xulka qaranka France ayaa guul 2-1 ah oo ay aad ugu rafaadeen ka gaadhay Croatia oo ay ku wada jiraan  LEAGUE A GROUP 3 ee tartanka UEFA Nations League. Gool qurux badan oo uu dhaliyey Antoine Griezmann ayaa Faransiiska u furay ciyaarta, waxaana ka daba yimid Nikola Vlasic oo kubbad uu soo naqshadeeyey Luka Modric ciyaarta kaga dhigay barbarro 1-1 ah ka hor intii aanu Kylian Mbappe weerar rogaal celis ah oo uu farsamadiisa lahaa Paul Pogba aanu guusha ugu hoggaamin xulka qarankiisa. Faransiiska ayaa yeeshay 10 dhibcood…

Denmark Oo Garoonka Wembley Ku Dhex Garaacday England, Harry

Xulka qaranka England ayaa kaalinta saddexaad ee League A Group B u degay kaddib markii ay guul-darro 1-0 ah kala kulmeen Denmark oo ugu timid garoonka Wembley.Laacibka Inter Milan khadka dhexe uga ciyaara ee Christian Eriksen ayaa rikoodhe guusha ugu dhiibay waddankiisa Denmark, kaddib qalad uu sameeyey Walker iyo goolhaye Picford oo isfaham waa dhexdooda ka dhashay.Kulankan oo qaybtii hore casaan lagaga saaray Harry Maguire oo laba qalad oo fool xumo ahaa oo mid waliba iskii ugu qalmayay casaan sameeyey ayaa kala…

Steven Gerrard Oo Daboolka Ka Qaaday Xiddig Uu Diiday In La

Halyeygii Liverpool ee Steven Gerrard ayaa daboolka ka qaaday laacib uu si weyn u doonayay tababarihii hore ee Reds ee Rafa Benitez inuu lasoo saxeexdo oo uu keeno Anfield sannadkii 2008 si uu u beddelo Xabi Alonso oo uga wareegay Real Madrid.Rafa Benitez oo Liverpool tababare u ahaa intii u dhaxaysay 2004 illaa 2010 una qaaday hal Champions League oo uu sannadkii 2005 ku garaacay AC Milan iyo mar kale oo finalka ay yimaaddeen oo laga qaaday, ayaa waxa waqtigiisa lagu tiriyaa inuu ahaa mid guuleed.Waqtigii uu tababaraha reer…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More