Paul Scholes Oo Shaaciyay Xiddig Man United Ah Oo Ku

Paul Scholes ayaa sheegay in Anthony Martial inuu ku dhawaaday inuu ku qiyaameeyo taageerayaasha Manchester United inay u qaataan inuu yahay gooldhaliye.

Halyeeyga kooxda Man United ayaa sheegay in booska uu ka ciyaari karo weeraryahanka Faransiiska inay weli dhibaato ku tahay Red Devils.

Scholes oo 45 sanno jir ah ayaa si weyn u amaanay weeraryahanka da’da yar ee Man United ee ka kooban Mason Greenwood, Martial iyo Marcus Rashford.

Laakiin waxaa ka dhaadhacsan in Martial uusan aheyn gooldhaliye sax ah islamarkaana uu ku fiican yahay inuu ka dheelo garab weerar.

Tababaraha ku meel gaarka ah ee kooxda Salford ayaa u sheegay Stadium Astro: “Weeraryahanadaan waa kuwa tayo cajiib ah leh. Waan ognahay taas dhamaanteen.

“Dhibaato ay qabaan weeraryahanada Man United ayaa ah in midkoodna uusan aheyn weerar dhexe ama gooldhaliye.

“Martial ayaa ku dhawaaday inuu nagu qimaaneeyo inaan aamino inuu yahay gooldhaliye ama weerar dhexe dhamaadkii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay sababtoo ah wuxuu dhaliyay goolal badan, aad ayuuna u fiicnaa.

“Si xun ayuu ku bilowday xilli ciyaareedkan mar kale, taasoo ka dhigeysa inaad ku fekerto inuusan aheyn gooldhaliye. Waa marin habaabin.

“Waa sababta aan igu celcelinayay inaan u baahanahay No.9 aad u fiican”

Martial oo 24 sanno jir ah ayaa ku riyaaqay gooldhalintiisii ugu fiicneyd xilli ciyaareedkii hore tan iyo markii uu yimid Old Trafford sannadkii 2015.

Wuxuu dhaliyay 23 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, isagoo hal gool dheeraa Rashford laakiin weli wax gool ah ma uusan dhalinin xilli ciyaareedkan isagoo ganaax ku maqnaan doona seddex kulan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More