Wakiilada Bruno Fernandes OO Ka Hadlay Dagaalka La Sheegay
Wakiilada Bruno Fernandes ayaa beeniyay wararka sheegaya in xiddiga reer Portugal iyo tababare Ole Gunnar Solskjaer inay isku dhaceen intii ay socotay kulankii ay Man United xasuuqa 6-1 kala kulantay kooxda Tottenham.
Wararka ayaa sheegayay in xiddiga khadka dhexe ee Portugal uu ku dhex canaantay qolka labiska xiddigaha Man United isagoo sidoo kale su’aalo ka keenay taatikada tababare Solskjaer xilli ay ciyaarta aheyd 4-1 waqtigii nasashada islamarkaana Anthony Martial uu kooxda casaan ka qaatay.
Waxaa la bedelay isla waqtigii nasashada inkastoo uu dhaliyay goolkii qura ee Man United, waxaana la sheegay inuu carooday bedelkii uu ku sameeyay tababare Solskjaer.
“Fernandes caradiisa waxay aheyd mid muuqatay, wajigiisa waxaa ka baxayay carro xoogan markii uu u soo baxay kursiga keydka” ayuu qof kooxda ka tirsan u sheegay Sunday Mirror.
Qofkaas u waramat Sunday Mirror ayaa sidoo kale xusay in codka kaliya ee laga maqlayay qolka labiska inuu ahaa midka Fernandes kaasoo canaantay asxaabtiisa kooxda islamarkaana wax ka sheegay taatikada tababaraha.
Si kastaba, wakiilada Fernandes ayaa haatan beeniyay warkaas.
Sida ay sheegtay Sport Witness, wakiilada ciyaaryahanka ayaa ku tilmaamay wixii dhacay waqtigii nasashada ee kulankii Tottenham mid “been ah”.
Waxay sidoo kale sheegeen in Fernandes uu u heelan yahay Solskjaer islamarkaana aysan jirin wax dhibaato ah oo dhex yaalalabada nin.
Fernandes ayaa wacdarro u dhigayay Manchester United tan iyo markii uu ka soo wareegay Sporting Lisbon bishii Janaayo.
Wuxuu dhaliyay 14 gool isagoo sameeyay 10 caawin 26 kulan uu u saftay United, wuxuuna ku soo bilowday kulan walba oo Premier League ah tan iyo markii uu yimid kooxda.