Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Waatan SHURUUDA Kaliya Ee Uu Ousmane Dembele Ku Xidhay Inuu

Garabka kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa la sheegayaa inuu hal shuruud oo kaliya ku xidhay inuu ku biiro kooxda saxeexiisa isha ku haysa saacadaha ugu dambeeya suuqan ee Manchester United oo maalmahan ugu dambeeyay daba-joogtay.Man United ayaa u dhaqaaqday saxeexa Dembele iyagoo ka dhiganaya bedelka ay kaga samrayaan Jadon Sancho maadaama oo madaxa kooxdaas ee Ed Woodward uu ku fashilmay inuu Borussia Dortmund kala soo saxeexdo da’yarkaas.Barcelona ayaa sanadkii 2017 lasoo wareegay Dembele oo qudhiisu wakhtigaas…

Real Madrid Oo Guul Dahabi Ah Kasoo Gaadhay Levante,

Real Madrid ayaa guul kasoo gaadhay kooxda Levante oo ay booqatay, Los Blancos ayaa 2-0 kusoo adkaaday waxaana ay labada gool ka heleen da’yarka ree Brazil ee Vinicius JR iyo Karim Benzema.Los Blancos ayaa saddexda dhibcood helay kulankii saddexaad oo xidhiidh ah, mid kamida xiddigaha masuuliyada dhibcahan lahaa ayaa ah goolhaye Thibaut Courtois oo badbaadino cadaan ah kasoo sameeyay Levante.Shaxdii Kulankan Ee Labada KooxoodLevante: Aitor, Roger, Bardhi, Morales, Malsa, Vezo, Postigo, Vukcevic, Clerk, Miramon, CampanaReal…

Man United Oo Dhaq-Dhaqaaqii Ugu Cuslaa Ka Wada Suuqa &

Kooxda Manchester United ayaa u muuqata mid hadda uun hurdada ka kacday marka ay noqoto dhinaca suuqa kala iibsiga xagaagan 2020 iyagoo saacadaha ugu dambeeya ee suuqaas samaynaya dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo dhab ah.Haddiiba ay Red Devils mudo dheer kaliya kusoo dhammaysteen saxeexa Donny Van De Beek isla markaana ay saxeexyo badan ku fashilmeen, Manchester ayaa hadda mudo 24 saac gudahood ah saxeexii labaad gacanta ku dhigay.Man United ayaa xalay dhammaysay saxeexa Edinson Cavani oo hadda soo gaadhay magaalada Manchester isla…

Lambarka Uu Edinson Cavani U Xidhan Doono Manchester United

Manchester United ayaa laba sannadood oo heshiis ah la gaadhay weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani, waxaana la filyaa in maanta oo Axad ah ama Isniinta berri uu soo gaadho England oo uu tijaabada caafimaadka ku maro magaalada London, kaddibna uu qalinka ku duugo heshiiska uu Red Devils kaga mid noqonayo.Cavani ayey Manchester si bilaash ah ku helaysaa maadaama uu dhamaaday qandaraaskiisii PSG oo uu xor ahaa illaa bishii June oo uu macasalaameeyey kooxda reer France.33 jirkan reer Uruguay ayaan ku jirin liiska…

Leicester City Oo Guul-darro Xanuun Badan Loo Xambaariyey,

Kooxda kubadda cagta West Ham ayaa soo afjartay guulihii xidhiidhka ahaa ee Leicester City iyo damaashaadkii ay ku jirtay, waxaanay ku garaacday 3-0 iyadoo waliba marti ahayd oo joogtay garoonka King Power.Leicester oo toddobaadkii hore soo karbaashtay Man City oo 5-2 ay kusoo dhufatay ayaa waxay garoonkeeda ku qaabishay West Ham oo daqiiqaddii 14aad kaga naxsatay gool uu u dhaliyey laacibka orodka badan ee Michail Antonio ka hor intii aanu Pablo Fornals u raacinin goolka labaad ee qaybta horeba ay ku suuxiyeen…

Manchester United Oo Waji Gabax Kale Oo Suuqa Ahi Soo

Manchester United ayaa waji gabax kale oo suuqa iibka ciyaartoyda ahi soo gaadhay, waxaana usoo noqotay jawaabta dalab ay ka gudbiyeen laacib ay beryahanba ku raad-joogeen oo tababare Solskjaer u doonayay inuu ku xoojiyo kooxdiisa. Kooxda kubadda cagta FC Porto ayaa iska diidday dalab £15.4 milyan oo Gini ah oo ay United ka gudbisay difaaca reer Brazil ee Alex Telles, kaas ay tartankiisa kula soo biirtay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City. Suuqa iibka ciyaartoyda oo xidhmaya saqda dhexe ee habeenka…

100ka Xiddig Ee Ugu Wanaagsanaa Qarnigan 21aad Oo La

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi iyo laacibka reer Portugal ee ay sida weyn u xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo ayaa hoggaaminaya liiska 100ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa dunida qarniga 21aad oo kasoo bilaabmay sannadkii 2000.Ronaldinho ayaa kaalinta saddexaad kasoo cidhiidhsaday, balse waxa lama filaan noqotay in halyeygii khadka dhexe ee Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Xavi uu kaalinta saddexaad fadhiyo.Qiimayn uu sameeyey wargeyska Independent ee kasoo baxa waddanka UK ayaa waxa uu ku sheegay in Andres Iniesta uu…

Ronald Koeman Oo Sharraxay Isbeddelka Ku Dhacay

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa sharraxay isbeddelka ku dhacay laacibka kooxdiisa khadka dhexe uga ciyaara ee Philippe Coutinho oo qaab ciyaareed cajiib ah ka samaynayay garoomada tan iyo intii uu kasoo laabtay Bayern Munich.Xiddiga reer Brazil ayaa rajaynaya inuu kusoo bilaaban doono safka hore ee kooxdiisa Barcelona marka ay caawa garoonka Camp Nou ku qaabbilaan Sevilla, isla markaana uu sii wato bandhigga fiican ee uu samaynayay labadii ciyaarood ee hore.Tababare Koeman ayaa kalsooni buuxda siiyey Coutinho oo…

Arsenal Oo Xiddig Chelsea Lasoo Saxaaxanaysa, Man United Oo

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa gabogabo kusii dhow, waxayna kooxaha wali uu kusii jiro damaca ay ciyaartooyo cusub kula soo saxeexanayaan ay haystaan fursado kooban oo saacado ah oo ay kaga soo faa’iidaysan karaan, si ay iskugu xoojiyaan xili…

Mushaharka Ciyaartoyda Manchester United Ee Kaddib Heshiiska

Manchester United ayaa heshiis laba sannadood ah la gaadhay weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani oo si bilaash ah ay kula soo saxeexatay kaddib markii uu si xor ah uga tegay PSG.Cavani ayaa la sheegay in toddobaadkii uu mushahar ahaan u qaadan doono lacag dhan £174,000 Gini, taas oo ka dhigaysa inuu ka mid noqonayo laacibiinta meelaha dhexe kaga jira liiska mushaharka ciyaartoyda Manchester United.Kooxaha Benfica iyo Ateltico Madrid ayaa raadinayay weeraryahankan 33 jirka ah, laakiin waxa burburay wada-hadalladii ay…