YAAB!! Muran Ka Dhashay Sababtii Layaabka Lahayd Ee Ansu

Baraha bulshada ayaa loogu hiiliyey laacibka da’da yar ee Barcelona ee Ansu Fati oo loo diiday inuu noqdo xiddigii ugu wanaagsanaa garoonka kulankii xalay ay kooxdiisu 4-0 ku garaacday Villarreal.

17 jirkan ayaa kusoo bilowday ciyaartii ugu horreysay kooxdiisa xili ciyaareedkan, waxaanay muujiyeen bandhig xarrago leh oo ay jamaahiirta ku ilowsiinayeen guul-darradii bahdilaadda ahayd ee kasoo gaadhay ciyaartii ugu dambaysay ee tartan ah oo ahayd fadeexaddii Bayern Munich ugu soo xambaarisay Champions League oo ay kusoo garaacday 8-2 bishii August.

Tababare Ronald Koeman oo isbeddel badan ku sameeyey kooxda markii xilka loo magacaabay, isla amrkaana caydhiyey xiddigo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Suarez, Vidal iyo Rakitic, ayaa waxa uu kualnakn usoo xushay Coutinho oo amaah kasoo laabtay, Antoine Griezmann, Lionel Messi iyo Ansu Fati oo uu kusoo wada bilaabay, waxaanay daqiiqaddii 35aad ciyaartu maraysay 3-0.

Laba gool gool oo uu Ansu Fati dhaliyey, mid uu ku daray Lionel Messi iyo gool difaaca Villarreal iska dhaliyeen ayaa guusha ay ku heshay Barcelona.

Xiddiga muran la’aanta ahaa ee kulankan ayaa ahaa Ansu Fati, laakiin waxa loogu diiday sabab qariib ahiyadoo laga door biday Jordi Alba maadaama ay da’diisu ka xayirayso in boqorka ciyaarta loo doorto.

Shirkadda Budwister ee bixisa abaal-marinta xiddiga garoonka ayaan ogolayn in laacibiinta ay da’doosu ka hoosayso 18 jirka la siiyo xiddiga garoonka, sababtoo ah, khamriga oo ay ka ganacsato ayaa ay dembi ku mutaysanayaan in laacib ka hooseeya da’da qaangaadhka ee 18 jirka uu kasoo muuqdo xayaysiiskooda.

Ansu Fati ayaa dhamaadka bisha October waxa uu noqon doonaa 18 jir, illaa waqtigaas laga gaadhayana ma heli doono abaal-marinta xiddiga garoonka, waxaana haddii uu si kasta wacdaro u dhigo laga siin doonaa ciyaartoy uu isagu ka bandhig iyo ciyaar ba wanaagsanaa, sida ku dhacday xalay oo Jordi Alba la siiyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More