Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Kooxdii Weyneyd Ee Barcelona Oo Gabi Ahaanba KACAYSA,
Waxa maalinba maalinta xigta soo kordhaya dhibaatooyinka ay kooxda Barcelona dhexda ka galayso ee banaanka garoonka ah iyadoo haatan la sheegayo inay gabi ahaanba kici karto kooxda oo ay dhaqaale ahaan dhulka geli karto.Sida uu sheegayo il-wareedka ree Spain ee RAC1, Barcelona ayaa gabi ahaanba kici doonta haddii aysan 190 Milyan oo euro oo kamida mushaharka xiddigaheeda dhimin kahor dhammaadka toddobaadkan.RAC1 ayaa sheegaya inay haddaba bilaabmeen wadahadalada ay kooxdu ku doonayso inay hoos ugu dhigto mushaharka…
Pep Guardiola Iyo Jurgen Klopp Oo Ku Biiray DAGAAL Ka Dhan
Tababareyaasha kooxaha Manchester City iyo Liverpool ee Pep Guardiola Iyo Jurgen Klopp ayaa ku biiray xoogag cadaadis saaraya maamulka Premier League oo ka doonaya inay ilaaliyaan ciyaartoyda, xilli sanka la isku geliyey kulamo cidhiidhi ah oo aanu waqti badan u dhaxaynin.Premier League ayaa lagu cadaadinayaa inuu horumar ka sameeyo daryeelka ciyaartoyda, isla markaana aan meesha laga saarin sharcigii cusbaa ee kooxaha u ogolaanayay inay shan beddel sameeyaan.Guardiola iyo Klopp ayaa Jimcihii shalay waxay ku biireen…
Ole Gunnar Solskjaer Oo Lagula Taliyey In Kulanka Arsenal Uu
Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagula taliyey inuu kaydka geliyo weeraryahanka kooxdiisa ee Marcus Rashford, isla markaana aanu kusoo bilaabin kulamada horyaalka iyo Champions League.Marcus Rashford ayaa wacdaro ka dhigay kulankii Champions League ee RB Leipzig oo uu dhaliyey saddexlay isagoo 27 daqiiqadood oo kaliya garoonka ku jiray, waxaana uga horreysay inuu ahaa laacibkii guusha ku hoggaamiyey kooxdiisa markii ay safarka ugu tagtay PSG usbuucii kasii horreeyey oo ay 2-1 kusoo badisay.Laakiin…
Real Madrid vs Huesca & Alaves vs Barcelona – Zidane &
Real Madrid iyo Barcelona ayaa kusoo laabanaya garoomada Sabtida maanta kaddib kulankoodii El Clasico ee Los Blancos ay guusha weyn soo gaadhay.Kooxda tababare Zidane ayaa la ciyaari doonta naadiga yar ee Huesca ee kasoo dallacay heerka labaad, waxaanay doonayaan guushii labaad oo xidhiidh ah ee tartanka horyaalka LaLiga, halka Barcelona ay u tegayso Alaves, taas oo tababare Ronald Koeman uu u dagaallami doono inuu kusoo laabto jidka guusha kaddib labadii guul-darro ee Real Madrid iyo Getafe ay u xambaariyeen ee keenay inay…
Liverpool vs West Ham & Sheffield United vs Man City –
Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liveprool ayaa guushii afraad ee xidhiidh ah ee dhamaan tartamada doonaysa inay diiwaanka gashato marka ay maanta garoonkeeda Anfield ku qaabisho kooxda qaab ciyaareedka fiican ku jirta ee West Ham United.Reds oo 2-0 kusoo guuleysatay kulankii Champions League ee RFC Midtjylland ee toddobaadkii hore, ayaa soo dhoweynaysa West Ham oo iyaduna barbarro 1-1 ah lasoo gashay Manchester City kulankii ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League.Ciyaartii Salaasadii ee Champions League waxay Liverpool…
Saadaasha Michael Owen Ee Kulamada Premier League Ee
Michael Owen ayaa saadaal ka bixiyey kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan, gaar ahaan ciyaaraha waaweyn.Manchester United iyo Arsenal oo garoonka Old Trafford ku ballansan Axadda ayaa ah ciyaarta ay sida weyn ishu u hayso, iyadoo Red Devils ay ku jirto kaalinta 15aad oo haddii laga badiyo ay hoos uga sii dhici karto booskaas.Arsenal ayaa 1-0 lagaga soo badiyey labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, halka Manchester United ay barbarro goolal la’aan ah soo gashay kulankii ugu dambeeyey oo ay…
AKHRISO Waallidii Diego Maradona Oo Maanta 60 Jirsaday –
Diego Maradona ayaa maanta u dabbaal-degaya sannad-guuradii 60aad ee dhalashadiisa oo ugu soo beegantay xilli uu ku jiro karantiil oo looga shakisan yahay xanuunka Korona Fayras.Halyeyga reer Argentina ee dalkiisa u qaaday Koobkii Adduunka 1986kii, ayaa lagu xasuustaa wacdarihii uu ka dhigi jiray garoomada iyo dhaqan-xumadiisii bannaanka garoonka.Ingiriiska ayaan waligood illoobi doonin oo uu ka dhaliyey gool gacan ahaa, taas oo loo bixiyey ‘Hand of God’.Diego Maradona ayay maanta dunidu dib u milicsanaysaa…
Miyey Ducaysteen? Xiddigii Hurdada U Diiday Jurgen Klopp Ee
Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayay waqti badan ku qaadatay inuu daraaseeyo, kana fikiro sidii uu u joojin lahaa laacibka West Ham ee Michail Antonio marka ay labada kooxood ku kulmaan Anfield Sabtid berri.Michail Antonio ayaa laf-dhabar u ah kooxda tababare David Moyes oo uu u dhaliyey goolashii ugu badnaa xili ciyaareedkan horyaalka Premier League isaga oo saxeexay 11 gool 13kii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo uu ku jiro goolkii quruxda badnaa ee uu ka hdaliyey Manchester City toddobaadkii hore.Si kastaba, David Moyes…
“Fursadihii Ugu Fiicnaa Ayaan Siiyey, Samir Ayaan U
Mikel Arteta ayaa weerar kale ku qaaday Mesut Ozil oo uu ka reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee tartamada Europa League iyo Premier League ee xili ciyaareedkan.32 jirka khadka dhexe ee ah laacibka ugu mushaharka badan Arsenal ayaa garoonka tababarka iyo gurigiisa ku qaata lacag xad-dhaaf ah iyadoo aanu ku jirin liiska xiddigaha Gunners u ciyaaraya fasal ciyaareedkan, waxaanay taasi ku timid go’aan uu Mikel Arteta kaga saaray safka kooxdiisa.25ka ciyaartoy ee tartanka Premier League ee horraantii toddobaadkan loo gudbiyey…
Labada Shaxdood Ee Xooggan Ee Manchester United Kula Ciyaari
Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku martigelin doonta Arsenal galabnimada Axadda, taas oo ay isku diyaarintiisa bilaabeen guulihii ay Champions League iyo Europa League kasoo hooyeen kaddib.Manchester United ayaa guul raaxo leh kasoo gaadhay RB Leipzig oo ay kusoo karbaashtay 5-0 iyadoo uu saddexlay dhaliyey Marcus Rashford oo beddel kusoo galay, halka Arsenal ay durduro kusoo dhaaftay kooxda yar ee Dundalk oo ay 3-0 kusoo garaacday.Marcus Rashford ayaa hoggaamin doona safka Manchester United marka ay Gunners…