Man United Oo Doonaysa N’Golo Kante, Barca Oo Go’aan Ka

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Isniin ah:

Manchester United ayaa xidhiidh la samaysay lataliyeyaasha laacibka khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee N’Golo Kante, waxaanay kala tashanayaan suurtogalnimada haddii 29 jirkan ay kala soo wareegi karayaan Blues, iyo waliba haddii uu hoos u dhigi karayo mushaharka £300,000 Gini ah ee uu usbuucii qaato. (Mirror)

United waxay diyaarisay dalab £90 milyan oo Gini ah oo noqonaya midkii ugu dambeeyey ee ay ka gudbinayso laacibka garabka weerarka uga ciyaara England iyo Borussia Dortmund ee Jadon Sancho oo 20 jir ah. (Mail)

Paris St-Germain waxay xidhiidh la samaysay Chelsea oo ay ka doonayso kubbad-sameeyaha Talyaaniga ah ee Jorginho oo 28 jir ah, waxaanay ku doonaysaa inay amaah kaga soo qaadato. (Telefoot)

Lazio ayaa doonaysa labada ciyaartoy ee Manchester United khadka dhexe uga ciyaara ee Juan Mata oo 32 jir ah iyo Andreas Pereira oo 24 jir ah. (Sun)

Weeraryahanka Bournemouth Joshua King oo 28 jir reer Norway ah ayaa waxa dusha kala socota Tottenham Hotspur oo doonaysa inay qiimayso xaaladdiisa si ay ula soo saxeexan karto inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoydu. (Telegraph)

Spurs waxa kale oo ay doonaysaa weeraryahanka Benfica ee Haris Seferovic oo 28 jir ah inay amaah kaga soo qaataan Benfica. (Football Insider)

Marka difaaca reer Portugal ee Ruben Dias oo 23 jir ah uu xaqiijiyo inuu ciyaartoy Manchester City ah noqday, waxa xor noqon doona Eric Garcia oo 19 jir ah, kuna biiri doona Barcelona oo kaliya ay ka xigto in City kala heshiiyaan lacagta iibka. (Sport)

AC Milan ayaa wada hadallo kula jirta difaaca midig ee Tottenham iyo xulka qaranka Ivory Coast ee Serge Aurier oo 27 jir ah, waxa kale oo ay ku raad-joogtaa 20 jirka difaaca midig uga ciyaara Norwich City ee Max Aarons. (Mail)

Weeraryahanka Arsenal iyo xulka Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang oo 31 jir ah, ayaa iska diiday fursad uu ugu biiri karayay Barcelona iyo kooxo kale oo waaweyn oo Yurub ah intii aanu qandaraaska u kordhinin Gunners. (Canal+)

Leicester City waxay qorshaynaysaa inay u dhaqaaqdo 23 jirka difaaca uga ciyaara Torino ee Gleison Bremer oo reer Brazil ah, kaas oo hore bartilmaameed ugu ahaa Everton. (Football Insider)

Barcelona ayaa soo afjartay xiisihii ay u qabtay weeraryahanka Inter Milan iyo xulka Argentina ee Lautaro Martinez oo 23 jir ah. (Calciomercato)

Manchester City ayaa u bandhigtay 23 jirka reer Ukraine ee Oleksandr Zinchencho oo ka ciyaara difaaca midig iyo bidix labadaba, inuu ku biiro Barcelona. (Mundo Deportivo).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More