Mikel Arteta Oo Shaaciyay Inuu Meel Iska Dhigayo Qaab

Tababare Mikel Arteta ayaa sheegay inuu meel iska dhigi doono qaab ciyaareedkii looga bartay Arsenal si uu u soo gabagabeeyo qarowga ay ka soo qaadaan Anfield mar walba.

Gunners ayaa laga soo dhaliayy 30 gool sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdeen Liverpool, mana aysan ku badinin garoonkaas tan iyo sannadkii 2012 markaasoo uu Arteta garoomada ku jiray.

Laakiin waxay ku garaaceen kooxda Jurgen Klopp garoonka Emirates bishii July halka ay bishii hore rigoore uga qaadeen koobka Community Sheild.

Labada jeerba, Arteta wuxuu u ogolaaday Liverpool inay kubada iska heystaan balse uu ku gaado kaliya kubadaha rogaalceliska ah.

Waa taatiko uu Arteta si joogta ah ugala hortagayay kooxaha waa weyn tan iyo markii kubada cagta dib loo bilaabay bishii Juun.

Wax raaligelin ahna uma hayo taageerayaasha Arsenal ee ka careysan inuu iska ilaaway qaab ciyaareedkii Arsenal looga bartay ee kubad baasaska ah ee Arsene Wenger.

Markii ay Gunners 2-1 kaga badisay Liverpool bishii July, waxay kubada heysteen kaliya boqolkiiba 31.

Seddex maalmood ka dib waxay semi-finalka FA Cup ku garaaceen Manchester City iyagoo kubada heystay kaliya boqolkiiba 29.

Laakiin Arteta ayaa yiri: “Waxaan halkaan u joogaa inaan badiyo, shaqadeyda waa inaan raadiyo habab aan ku badin karno.

“Mararka qaar waad ku qasban tahay inaan sidaas sameyso marka aad tababare tahay, mararka qaarna waxaa ku qasbaya ciyaartoyda aad heysato iyo kooxaha aad ka horimaaneyso.

“Kulamada aan la ciyaarnay Liverpool City iyo Chelsea ee finalkii FA Cup, waxaa ina soo maray waqtiyo badan oo aan ku jirnay difaac.

“Sidaasi darteed waa inaan raadino xal aan isagu diyaarin karno inaan kubada difaacaneyno waqti badan.

“Waxaa qasab ah inaan la qabsano taatikada cusub, waxaan heysanayaa ciyaartoy sameyn karto qorshe bedel.

“In kaliya hal qaab loo ciyaaro kama shaqeyso kubada cagta haatan ilaa iyo inaad tahay koox sareysa kooxaha ka horimaanaya mar walba.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More