Xiddig Ka Tirsan Liverpool Oo Maanta Duhurkii Tijaabada
Maanta oo Isniin ah, waqti ay saacadda UK ku beegnayd 9pm oo Geeska Afrika ka ahayd 12pm – duhurnimo ayuu laacib ka tirsan Liverpool isku diyaariyey tijaabada caafimaadka oo uu u maray koox kale, iyadoo uu tababare Jurgen Klopp dhabarka kasii dhirbaaxay oo uu kusii macasalaameeyey bixitaankiisa.
- Advertisement -
Liverpool oo isku diyaarinaysa kulanka Arsenal ay caawa ku martigelinayaan, ayaa waxa dhinaca kale ay la dhaceen in goolhayaha reer Germany ee Loris Karius uu helay dalab rasmi ah, tijaabada caafimaadkana uu ku marayo magaalada Berlin ee waddanka Jarmalka.
Karius oo labadii xili ciyaareed ee ugu dambeeyey ku maqnaa kooxda reer Turkey ee Besiktas oo uu amaah ugu ciyaaray ayaa markii uu kusoo laabtay Anfield, waxa u caddaatay in aan laga doonayn inuu sii joogo Liverpool, waxaanu u dhaqaaqay waddankiisa oo uu kaga biirayo kooxda Unio Berlin.
Sida uu qoray wargeyska The Bild ee kasoo baxa Jarmalka, goolhaye Karius ayaa maanta xilli ay saacaddu ku beegnayd 9am waxa uu ku sugnaa xarun lagu baadhayay caafimaadkiisa, ka hor inta aanu ku biirin kooxda cusub ee dalkiisa ka dhisan.
Loris Karius ayaa waddanka Jarmalka gaadhay xalay fiidkii, waxaana marka uu dhamaado baadhitaanka lagu hubinayo taam ahaanshihiisu uu qalinka ku duugi doonaa isla maanta heshiis amaah ah oo uu Union Berling ugu ciyaari doono xili ciyaareedkan.
Laakiin wax faahfaahin ah lagama bixin haddii ay Union Berlin wada bixin doonto mushaharka iyo gunnooyinka Karius ee uu siinayay heshiiskii Liverpool uu kula jiray iyo haddii qayb ka mid ah ay kooxda reer England bixin doono.