“Mid Dadka Ayuu Qaniinaa, Midna Wuu Dagaalamaa” – Diego

Weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa ayaa sheegay inuusan fahamsaneyn sababta ay Barcelona u ogolaatay in Luis Suarez uu kooxda ka tago.

“Waxaan helnay ciyaaryahan weyn, nasiib wanaag wuxuu ka soo tagay Barcelona” ayuu yiri Costa.

“Ma garanayo sida koox sidaas oo kale ah ay ogolaan karto inuu baxo.

“Ugu danbeyn, anaga ayay aad inoogu fiican tahay.

“Wuxuu nagu caawinayaa goolashiisa, xamaasadiisa ciyaareed, baahida uu u qabo guusha iyo koobabka.”

Dad badan ayaa isla dhexmarayay haddii Diego Simeone uu afka hore iska garab ciyaarsiin doono Suarez iyo Costa.

“Aad ayay u fiicnaan laheyd” ayuu yiri yiri Costa oo ka hadlayay suurtogalnimada ay taasi ku dhici karto.

“Mid dadka ayuu qaniinaa, midna wuu dagaalamaa”

Isagoo ka hadlayay mustaqbalkiisa Atletico Madrid ka dib markii uu yimid Luis Suarez oo booskiisa ka ciyaaraya, Diego Costa ayaa yiri:

“Kooxda ayaan u daayay inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkeyga” ayuu yiri.

“Ma dooneyno inaan dagaalamo oo aan culeys ku noqdo kooxda, waxaan doonayaa taas bedelkeeda.

“Waan u cadeeyay kooxda taas. Waxaan dhageysanayay haddii ay doonayaan inay i iibiyaan, haddii ay jirto fursad aan amaah ugu bixi karo, waan baxayaa.

“Haddii ay doonayaan inaan kansalo qandaraaskeyga, sidoo kale iyadana waan aqbali doonaa/

“Waan la hadlay kooxda iyo tababaraha.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More