Real Madrid Oo Warbixin Kasoo Saartay Dhaawaca Toni Kroos &

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay in xiddigeeda khadka dhexe ee Toni Kroos uu dhaawac muruqa ahi kasoo gaadhay kulnakii ay 3-2 kaga adkaadeen Real Sociedad ee Sabtidii toddobaadkan.

Kubbad-sameeyaha reer Germany ayaa ciyaarta ka baxay dhamaadkii qaybta hore, waxaana lagu soo beddelay Luka Modric, laakiin Zinedine Zidane ayaan awoodi doonin inuu helo adeegga ciyaareed ee 30 jirkan muddo usbuucyo ah.

Toni Kroos oo muhiim u ah Real Madrid, booskiisana aanu gorgortan gelin ayaa ku biiray liis dheer oo dhaawacyo ah oo ay hore ugu sii jireen Eden Hazard iyo laacibiin kale.

War-saxaafadeed ay Real Madrid soo saartay ayay ku xaqiijisay in dhaawac kasoo gaadhay Toni Kroos muruqa lugta bixid, waxaanay warbixinta lagu yidhi: “Kaddib baadhitaan maanta lagu sameeyey laacibkayaga Toni Kroos oo laga fuliyey xarunta adeegga caafimaadka Real Madrid, waxaga lagaga daaweeyey dhaawac muruqa lugta bidix ah.”

Real Madrid si dhab ah umay shaacinin muddada uu garoomada ka maqnaan doono, hase yeeshee laacibkan ayaanay waqti badan ku qaadanin inuu kasoo kabto dhaawacyada, waxaana la qiyaasiyaa inuu maqnaan doono 10 ilaa 14 maalmood.

Dhaawacan ayuu Kroos ku seegi doonaa kulamada caalamiga ah ee xulka qarankiisa Germany kusoo fool leh, sidoo kalena waxa uu ka maqnaan doonaa labada ciyaarood ee Real Madrid ay kula ballansan tahay Real Valladolid iyo Levante oo kasoo horreeya fasaxa kulamada caalamiga ah.

Toni Kroos ayaa dhaawacyada kula biiri doona Eder Militao iyo Mariano Diaz, laakiin warka farxadda leh ee uu Zidane helay ayaa ah in ciyaarta Valladolid oo ay usoo laabanayaan oo ay haddaba tababarka la bilaabeen kooxda Eden Hazard, Marco Asensio iyo Marcelo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More