Ousmane Dembele Oo Soo Celiyay Dhaqan Xumadiisa & Falkii Ugu

Weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele ayaa mar kale ku kacay dhaqan xumada uu ku caan baxay isagoo ka soo daahay tababarkii maanta islamarkaana xarunta tababarka yimid isagoo gaari kaxeynaya xilli uu taleefan isticmaalayay.

Wargeyska Deportes Cuatro ayaa soo bandhigay muuqaal ay duubeen oo muujinaya xiddiga Faransiiska oo 15 daqiiqo ka soo daahay tababarka kooxda inkastoo tababare Ronald Koeman lagu waramayo inuu ku amray ciyaartoydiisa inay saacad ka soo hormaraan waqtiga tababarka.

Wargeyska ayaa sheegaya inay tani tahay dhaqan xumadii ugu danbeysay ee uu ku kaco xiddiga Faransiiska, waxayna sheegeen inay mar kale soo nuux nuuxin doonto wararkii shakiga gelinayay mustaqbalkiisa kooxda.

Dembele uma ciyaarin kooxda koowaad ee Barcelona tan iyo bishii November, mana ka hoos ciyaarin gabi ahaanba tababare Quique Setien madaama uu dhaawac ku maqnaa muddo dheer.

Dhaawacyo ayaa dilooday weeraryahanka tan iyo markii uu ka soo wareegay Borussia Dortmund sannadkii 2017.

Xiddiga Faransiiska oo dhaawacyo ay wareeriyeen ayaa dhaawac ku baxay daqiiqadii 25aad ee kulan aya ciyaarayeen kooxdiisa hore ee Borussia Dortmund mana uusan dheelin tan iyo markaas.

Dembele ayaa u saftay Barcelona kaliya 74 kulan isagoo u dhaliyay 19 gool islamarkaana caawiye ka noqday 17 gool kale.

Falkii ugu danbeeyay ee uu ku kacay Ousmane Dembele ayaa ka careysiiyay tababae Koeman oo la filayo inuu talaabo ka qaado xiddiga Faransiiska.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More