Liverpool Oo Hadda Saxeex Samaysay, Booska Uu Ka Ciyaaro &

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa goolhayaha da’yarta ah ee Marcelo Pitaluga oo kamida goolhayayaasha da’yarta ah ee ree Brazil kuwooda ugu hibada badan ee aadka loo qiimeeyo kagana soo biiray dhinaca kooxda Fluminese.

Pitaluga ayaa kamida ahaa xiddigihii da’yarta ahaa ee xulka qaranka Brazil kusoo guuleeyay koobkii aduunka ee da’doodu ku yartahay 17-ka isagoo shabaqa masuul uga ahaa.

Goolhaye Marcelo Pitaluga ayaa lasoo shaqeeyay walaalka goolhayaha Liverpool ee Alisson Becker oo lagu magacaabo Muriel oo ay soo wada joogeen kooxda Fluminese.

Pitaluga ayaa joogi doona xerada tababarka Liverpool ee Melwood isaga oo tababar la samaynaya horena ula sameeyay kooxda koowaad ee Reds.

Saxeexa 17 sano jirkan ayaa imanaya xilli Liverpool ay dhibaatooyin kaga jirto dhinaca goolka maadaama oo dhaawac toddobaadyo ah loo diray goolhayaha dookha koowaad ee Alisson.

Adrian oo horeba eedaymo ugula kulmay qaab ciyaareedkiisa kulamada uu Reds ugu soo bilawday ayaa markale fadeexad dhex fadhiistay kulankii ugu dambeeyay ee uu Liverpool kala hortagay kooxda Aston Villa markaas oo toddoba gool laga dhaliyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More