Mid Kamida Xiddigaha Arsenal Ugu Muhiimsan Oo Seegaya

Daafaca kooxda Arsenal ee Kieran Tierney oo kamida xiddigaha ugu muhiimsan shaxda tababare Mikel Arteta ayaa si rasmi ah u seegi doona kulanka ay kooxdiisu booqan doonto dhigeeda Manchester City ciyaar ka tirsan Premier League marka kulamada caalamiga ah laga soo noqdo.

Sababta qasbaysa inuu maqnaado Tierney kulankaas ayaan ahayn dhibaato uu isagu qabo balse ah in xanuunka Korona Fayras laga helay qaar kamida xiddigaha xulka Scotland taas oo ka dhigan inuu karantiin geli doono.

Khadka dhexe ee kooxda Southampton ee Staurt Armstrong ayaa ah xiddiga ka tirsan xulka qaranka Scotland ee laga helay caabuqa kaddib baadhitaanadii la sameeyay Salaasadii sida uu xidhiidhka dalkaasi warbixin rasmi ah ku sheegay.

Armstrong ayaa ku qasbanaan doona inuu mudo tobban maalmood ah karantiin geli doono waxaana uu seegi doonaa kulamada Scotland ay la yeelan doonaan xulalka Slovakia iyo Czech Republic.

Kieran Tierney, Ryan Christie iyo laba kamida shaqaalaha Scotland ayaa lagu sheegay inay ahaayeen kuwo u dhaw dhaw Armstrong taas oo ka dhigan inay iyaguna 14 maalmood karantiin geli doonaan oo ay ka wakhti badnaan doonaan xiddiga xanuunka laga helay.

Ciyaaryahanadaas ayaa sidoo kale seegi doona kulamada soo socda ee Scotland halka uu Kieran sidoo kale ka maqnaan doono ciyaarya Manchester City ee 17-ka bishan October.

Xiddigii hore ee Celtic ayaa ah mid daafac dhexe ahaan uga ciyaara shaxda shanta daafac dambeed ee uu Mikel Arteta ku ciyaarsiiyo Arsenal, tababaraha ree Spain ayaa ku qasbanaan doona inuu xal kale keeno.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More