Man United Oo Ku Dhawaaqday Liiska Champions League Ee
Kooxda Manchester United ayaa ku dhawaaqday liiska kooxdeeda ee uu soo xushay tababare Ole Gunnar Solskjaer ee ay kaga qayb galayaan UEFA Champios League iyadoo ay jiraan xiddigo dhawr ah oo waaweyn oo ka maqani.
- Advertisement -
Xiddigaha muhiimka u ah kooxdaas ee la filayay inay ku jiri doonaan ayaa sidii caadiga ahayd kusoo baxay waxaana kamid ah Paul Pogba, Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford.
Laakiin saddexda ciyaaryahan ee ka maqan xulashada tababaraha ree Norway ayaa ah goolhaye Sergio Romero oo xulashada Red Devils hoos uga dhacay, ninka ay Argentina kasoo wada jeedaan ee Marcos Rojo iyo Phil Jones oo daafac kale ah.
Iyadoo uu liiskani yahay midkii kama dambaysta ahaa ee kooxdu shaaciso, waxa ay ka dhigan tahay in midkoodna saddexdaas ciyaaryahan aanu qayb ka noqon doonin ololaha Champions League ee Red Devils ee xilli ciyaareedkan 2020-21.
Taas bedelkeeda 18 sano jirka saxeexa cusub ah ee Facundo Pellistri ayaa 25-kan ciyaaryahan qayb ka ah waxaana la midaysan Edinson Cavani iyo Alex Telles oo qudhoodu maalintii ugu dambaysay suuqa usoo wareegay Old Trafford.
Liiska Oo Dhammaystiran
Goolhayayasha: David de Gea, Lee Grant, Dean Henderson
Daafacyada: Victor Lindelof, Eric Bailly, Harry Maguire, Luke Shaw, Timothy Fosu-Mensah, Alex Telles, Aaron Wan-Bissaka, Axel Tuanzebe
Khadadka Dhexe: Paul Pogba, Juan Mata, Jesse Lingard, Fred, Bruno Fernandes, Dan James, Facundo Pellestri, Nemanja Matic, Donny van de Beek, Scott McTominay
Weeraryahanada: Edinson Cavani, Anthony Martial, Marcus Rashford, Odion Ighalo