Ma Sidanaa U Dambaysay Boqorkii Caawinta? Arsenal Oo Talaabo

Kooxda Arsenal ayaa qaadaysa talaabo cusub oo ay kusoo af-meerayso waayihii uu kubad sameeye Mesut Ozil kusoo lahaa heerka ugu sarreeya kubadda cagta in ka badan 10-kii sanadood ee ugu dambeeyay oo uu ahaa mid saamayn ku leh garoomada.

Arsenal ayaa la fahamsan yahay in talaabadan ay qaadaysaa ay tahay inay Ozil la furayso wadahadalo ay ku kansalayaan sagaalka bilood ee ugu dambeeya ee uga hadhsan heshiiska uu ku joogo Emirates Stadium.

Ozil ayaa la sheegayaa in haddiiba uu ka tagayo kooxda oo heshiiskiisa la kansalayo uu ka rabo inay siiyaan dhammaan lacagaha uga hadhsan qandaraaska.

Haatan ayay u muuqataa mid u badan in Ozil uusan kooxda ku raaci doonin qorshaheeda ah inay kansalayso heshiiskiisa 350-ka kun ee Pound ah toddobaadkii isaga oo ugu yaraan ka warsugi doona ilaa suuqa kala iibsiga ee bisha January.

In koox la’aan la ahaado iyadoo uu suuqu xidhan yahay ayaa dhibaato weyn ku ah xiddigaha kubadda cagta maadaama oo aysan tababarka ugu wanaagsan samayn doonin in mudo ah.

Arsenal ayaa doonaysa in ay Ozil ka dalbato in haddiiba aysan heshiiskiisa hadda kansali karin ay kansali doonto January balse ciyaaryahanka ayaa markaas dalban doona lacagta 3-da Milyan ee Pound ah ee xilligaas heshiiskiisa ka hadhsanaan doonta.

Ozil ayay macquul tahay inuu horeba usoo ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Arsenal kaddib markii laga saaray liiska xiddigaha Gunners uga qayb galaya UEFA Europe League sidoo kalena la filayo inuu ka maqnaan doono 25-ka ciyaaryahan ee ay kooxdaasi Premier League ka diiwaan gashan doonto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More