Olivier Giroud Oo Jabiyey Rikoodhkii Michel Platini &
Weeraryahanka Olivier Giroud ayaa jabiyey rikoodhkii gool-dhalinta xulka qaranka France ee Michel Platini, kaddib markii uu laba gool u saxeexay waddankiisa kulankii ay xalay 7-1 ku xasuuqeen Ukraine.
- Advertisement -
Giroud ayaa noqday ciyaartoyga labaad ee ugu goolasha badan xulka qaranka France, waxaana kaliya ka horreeya Thierry Henry, iyadoo uu xalay soo dhaafay rikoodhkii Platini.
Laacibka afka hore uga ciyaara Chelsea ayaa garoonka soo galay kulankii xalay isagoo haysta 40 gool oo uu dalkiisa u dhaliyey, isla markaana hal gool ka hooseeya tiradii goolasha halyeygii Juventus ee Platini, waxaana uu baxay isagoo ka sarreeya oo rikoodhkaas dhaafay.
Thierry Henry oo kaliya ayaa hadda ka horreeya Giroud oo kaga goolal badan qaranka France, waxaanu haystaa 51 gool oo uu ku dhaliyey 123 ciyaarood, waana tiro goolal ah oo uu Olivier Giroud gaadhi karayo.
Eduardo Camavinga ayaa isaguna galay buugga taariikhda Faransiiska markii uu daqiiqaddii sagaalaad u dhaliyey goolka furaha u noqday guushan, kaas oo ahaa mid uu isku-laba rogay kubbad kasoo noqotay goolka.
Camavinga ayaa noqday ciyaartoygii labaad ee ugu da’da yaraa ee abid gool u dhaliya Faransiiska, waxaana uu goolkan dhaliyey isaga oo ay da’diisu tahay 17 sannadood iyo 11 bilood, waxaana kaliya ka horreeyey Maurice Gastiger oo sannadkii 1914kii u dhaliyey gool isaga oo jiray 17 sannadood iyo shan bilood.
Dhinaca kale, Giroud ayaa waxa uu ku biiray liiska ciyaartoyda safashadoodu 100ka gaadhay iyadoo uu waliba xalay kabtan u ahaa Faransiiska, taas oo ka dhigtay laacibkii toddobaad ee dalkaas u safta boqol kulan iyo ka badan.
Lilian Thuram ayaa ah ciyaartoyga ugu safashada badan, waxaanu u ciyaaray 142 kulan, waxaana ku xiga Thiery Henry, Marcel Desailly, goolhaye Hugo Lloris, Zinedine Zidane, Patrick Vieira iyo Deschamps.