Lionel Messi Oo Aad U Doonayay Inuu Jose Mourinho La

Kabtanka haatan ee kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo macalinka wakhtigan ee kooxda Tottenham ee Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inay taleefan wakhti dheer qaatay ku wada hadleen 16 sano kahor iyagoo xilligaas midoobi karayay.

Lionel Messi ayaa ahaa mid ay aad uga go’antahay inuu Jose Mourinho kula biiro kooxda Chelsea oo uu wakhtigaas hoggaaminayay mudo gaaban kaddib markii uu FC Porto Champions League kula soo guuleystay.

Jose ayaa soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah isaga oo kusoo shaqeeyay dhammaan duruufihii macquulka ahaa isla markaana Champions League si lama filaan ah ugula soo guuleystay Porto.

Messi ayaa kaliya 16 sano jir ahaa markii Mourinho laga dhigay tababaraha cusub ee Chelsea isaga oo bisha xigtay 17 sano jir noqonayay.

Sida uu sheegayo saxafiga caanka ah ee Gianluca Di Marzio, wakhtigaas ayaa ahaa markii ugu horreysay ee uu Messi isku dayay inuu iskaga tago Camp Nou.

Messi ayaa sidoo kale xagaagan doonayay inuu ka dhaqaajiyo Barcelona isaga oo aad ugu dhawaaday inuu 20 sano kaddib shandadihiisa ka qaato kooxdaas.

Leo ayaa ka cadhaysnaa xilli ciyaareed musiibo ah oo ay Blaugrana soo qaadatay iyagoo ay usoo kala dambeeyeen tababarayaasha kala ah Ernesto Valverde iyo Quique Setien.

Wakhtigii ugu  xumaa ee xilli ciyaareedkii hore kasoo maray Barcelona ayaa ahaa inay Champions League natiijo siddeed gool ah kaga reebtay kooxda ree Germany ee Bayern Munich.

Messi ayaa ahaa mid ay aad uga go’antahay inuu iskaga tago Barcelona isagoo xiiso ka helayay Manchester City oo uu Pep Guardiola ka doonayay.

Si kastaba, 33 sano jirkaas ayaa ugu dambayn ku negaaday kooxda uu kabtanka ka yahay isagoo ugu yaraan dhammaysanaya xilli ciyaareedka uga hadhay heshiiskiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More