Bartomeu Oo Mucaaradka Uu Banaanka Ka Raadinayo Camp Nou Ku

Murashaxa madaxweyne ee kooxda Barcelona ee Jordi Farre ayaa shaaca ka qaaday sheeko layaab leh oo la xidhiidha mid kamida walaalaha xiddigaha kooxdaas oo ka qayb qaatay codka kalsoonida lagagala noqonado madaxweynaha haatan ee Josep Maria Bartomeu.

Kaliya 16,520 cod ayaa loo baahnaa iyadoo la ururinayay cod madaxweyne Bartomeu lagaga codsanayay inuu shaqada iska casilo balse codadka ayaaba intaas dhaafay iyagoo gaadhay 18,090.

Murashax madaweyne Jordi Farre ayaa hadda shaaca ka qaaday inuu mid kamida xiddigaha kooxda oo uusan magacaabin uu faraxsan yahay maadaama oo walaalkii uu kamid yahay shaqsiyaadka codkooda ka dhiibtay ololaha Bartomeu lagaga soo horjeedo.

Farre oo war siinayay il-wareedka ree Spain ee Cadena Serr ayaa yidhi “Waan ogahay inuu qof kamida qolka labisku faraxsan yahay”

“Aniga oo aan ku fogaanayn waxaanu haynaa saxeexa walaalka ciyaaryahan kooxda koowaad ee Barcelona ka tirsan”

Qoraal lagu daabacay luuqada Spanish-ka oo uu RAC1 daabacay ayaa lagu sheegay qorshaha Jordi Farre oo ah ninka bilaabay ololaha codkan lagu ururinayo iyo inuu doonayo inuu mooshinka Bartomeu laga keenayo keeno maalinta Sabtida 25-ka October oo ah maalinka kulanka El-Classico lagu balansan yahay.

Bartomeu oo 57 sano jir ah ayaa xilli ciyaareedkii dhammaaday cadaadis ba’ani saarnaa kaddib markii ay kooxdu koob la’aan baxday markii ugu horreysay mudo 13 sano ah isla markaana ay Champions League natiijo 8-2 ah kaga reebtay Bayern Munich.

Sidoo kale Barca ayaa lumisay hoggaankeedii horyaalka La Liga kahor intii aysan Real Madrid oo uu horkacayo tababare Zinadine Zidane si kama dambays ah u hanan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More