Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Premier League Oo Loogu Baaqay In Ciqaab Iyo Ganaaxyo Lagu Soo Rogo

Maamulka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa loogu baaqay in ciqaab lagu soo rogo kooxda kubadda cagta Liverpool kaddib ficilladeeda sii muuqda ee isku-dayga tartankii fashilmay ee Super League.Liverpool ayaa ka mid ahayd lix kooxood oo Ingiriis ah oo qayb ka ahaa qorshihii lagu sameeyey Super League oo si degdeg ah ula kulmay kacdoono iyo mudaharaadyo kaga yimid taageereyaasha, taas oo keentay in ay sagaal ka mid ah 12ka kooxood ka laabtaan qorshahaas.Halyeygii Manchester United ee Garry Neville ayaa se ku…

How Jose Mourinhos AS Roma could line up during the 2021/22 season

Everything still feels like a strange dream, but Jose Mourinho is the new manager of AS Roma. The timing of the announcement means that the shockwaves have subsided, but they will only be regenerated when the Portuguese coach sinks his teeth in the transfer market. There is a lot of work to be done on this Giallorossi side, but the former Tottenham Hotspur coach also has some exciting talents to shape and hopefully will not be ridiculed in oblivion. Rome's new owners will also be looking for a statement in the summer window,…

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaaliyey Tartanka Qaramada Yurub, England

Supercomputer ayaa soo saaray saadaasha tartanka Jimcaha bilaabmaya ee qaramada qaaradda Yurub ee Euro 2020, waxaana uu rajo la’aan ka dhigay xulka qaranka England ee ka mid ah dalalka aadka loogu saadaalinayo. England ayaa soo gaadhay semi-finalka Koobkii Adduunka 2018 ee lagu qabtay RUushka, waxaana uu sannadkan tababare Gareth Southgate soo xushay ciyaartooyo da’yar oo cajiib ah, tayadoodana aad loo amaanayo. Dhamaan 26ka ciyaartoy ee xulka ayaa ah xiddigaha ugu cadcad Premier League iyo tartamada kale ee ay ka…

David De Gea Oo Weerar Ku Qaaday Kooxdiisa Manchester United Xilli Uu

Goolhayaha xulka qaranka Spain ee David de Gea ayaa  weerar ku qaaday kooxdiisa Manchester United xilli uu ku sugan yahay waddankiisa Spain oo uu isku diyaarinayo ka qayb-galka tartanka qaramada Yurub.De Gea ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada, waxa uu ku canaantay Manchester United oo uu sheegay in ay si xun ula dhaqantay goolhayaha reer Argentina ee Sergio Romero oo shalay ay United ku dartay liiska ciyaartoyda ay fasaxday ee xagaagan sida xorta ah ku tegaya.Romero oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka bishan…

Jose Mourinho Oo Karbaashay Gareth Bale: “Sidee Ayuu Ahaa

Jose Mourinho ayaa weerar ku qaaday xiddiga reer Wales ee Gareth Bale, waxaanu sheegay in aanu garoomada la imanin wax lagu xasuusto oo bandhig wanaagsan ah sannadihii ugu dambeeyey.Tababaraha reer Portugal ayaa ku layliyey Bale kooxda Tottenham sannadkii ugu dambeeyey ka hor intii aan shaqada laga caydhin xilli ciyaareedkii tegay oo sii dhamaanaya, hase yeeshee waxa Mourinho lagu xasuustaa in uu Bale ku hayay kaydka, fursado yar oo koobanna uu siiyey inkasta oo waqtiga  intiisa badan uu dhaawac ahaa.Mourinho ayaa dib ugu…

Maxaa Ka Dhacay Xerada Tababarka Xulka Qaranka England Maanta Oo Sabti

Xarunta tababarka xulka qaranka England ayaa ahayd mid jawi farxadeed ka jirtay maanta oo Sabti ahayd, sababtoo ah, waxa kusoo laabtay ciyaartooyo ka farxiyey tababare Gareth Southgate, kuwaas oo hore shaki loo gelinayay heerkooda taam ahaansho iyo fursadda ay u heli karayaan in ay diyaar ugu noqdaan tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya.Xiddiga khadka dhexe ee Jordan Henderson ayaa tababarka buuxa kusoo laabtay maanta, waxaanu ciyaartoyda kale ee xulka la sameeyey jimicsiyadii kala duwanaa, sida orodka, iyadoo ugu…

Dhaawacii De Bruyne Oo War Cusub Kasoo Kordhay & Haddii Uu Taam U

Xulka qaranka Belgium ayaa war cusub ka helay xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne oo dhaawac kasoo gadhay finalkii Champions League ee Sabtidii toddobaadkii hore, markaas oo uu ka jabay san-qaroorka iyo lafta isha agteeda.Laacibkan ayaa lagu sameeyey qalliin fudud oo lagu kabay lafihii iyo carjawihii, waxaana uu hadda rajaynayaa in uu taam u noqdo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 ee bilaabmi doona Jimcaha foodda inagu soo haya.29 jirkan ayaa waddanka Portugal lagu qalay, laakiin waxa uu sheegay in qalliinkii lagu…

Miyuu Abuuray Dooddii Iyo Murankii Lagu Yaqaanay? Jose Mourinho Oo

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa magacaabay difaaca ugu wanaagsan dunida waqtiga, kaas oo uu amaan kula dul-dhacay.Mourinho oo dhowaan loo magacaabay tababaraha Roma ayaa bixiyey waraysi uu kaga hadlay arrimo badan oo uu ka mid yahay tartanka Qaramada Yurub, waddanka ay la tahay in uu guuleysanayo iyo kuwa uu culayska ugu badan saaran yahay, sida aad ka akhrisan karto warbixintii aanu galabta daabacnay.Jose Mourinho oo looga bartay in uu abuuro doodo, lagana gunto hadallo khilaaf abuura ayaa  waxa uu doorkan u…

SAADAAL: Jose Mourinho Oo Saadaaliyyay Xulka EURO Ku Guuleysan Doona &

Tababaraha kooxda AS Roma ee Jose Mourinho ayaa saadaaliyay xulka ku guuleysan doona tartanka EURO ee gudaha bishan dhacaya xilli uu sidoo kale sheegay xul cadaadis weyni ku saaran yahay ku guuleysiga koobkan.Mourinho ayaa sheegay in xulka cadaadisku saaran yahay midka England oo ay tahay inay ku guuleystaan koobkoodii ugu horreeyay tan iyo 1966.Xulka tababare Gareth Southgate ayaa faa’ido ku haysta tartankan maadaama oo Semi-Final-ka iyo Final-kaba lagu ciyaari doono dalkooda England taas oo haddii ay heerkaas gaadhaan…

XASAASI: Barcelona Oo Laga Af-Duubanayo Gini Wijnaldum & Kooxda Miiska

Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa lagu soo warramayaa inay go’aansatay inay dhigeeda Barcelona tartan xilli dambe ah kula gasho khadka dhexe ee ree Netherlands ee Georginio Wijnaldum.Tababare Ronald Koeman ayaa arki kara mid kamida xiddigaha bar-tilmaameedka weyn u ahaa suuqa xagaaga sanadkan oo u dhaqaaqaya dhinaca PSG.Sida uu sheegayo il-wareedka xogtiisa lagu kalsoonaan karo ee ESPN, Paris ayaa miiska u saartay Gini Wijnaldum dalab ay adkaan doonto in Barcelona ay bar-barayso.Barcelona ayaa xiddiga ka baxaya…