Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Waa Kuma Xiddiga Aan Ahayn Jadon Sancho Ee U Sheegay Ciyaaryahanadda

Kooxda Manchester United ayaa doonaysa inay suuqa xagaaga sanadkan la saxeexato daafaca midig ee Atletico Madrid ee Kieran Trippier, wararka cusub ayaa sheegaya in xiisuhu labada dhinacba yahay oo ciyaaryahanka qudhiisu doonayo kooxdaas.Sida ay sheegayaan xogo cusubi, Trippier ayaa xiddigaha xulkiisa England ee ay isku wada diyaarinayaan Euro u sheegay inuu doonayo ku biirida Man United.30 sano jirkaas daafaca midig ah ayuu heshiiskiisa Atletico Madrid yahay mid ay laba sano oo kale ka hadheen balse xiisaynaya inuu dib ugu…

Waa Kuma Xiddiga Barcelona Ee La Xidhay Kaddib Markii Uu Ka Qayb Galay

Xiddiga boosaska badan sida khadka dhexe iyo daafaca midig uga ciyaara kooxda Barcelona ee Sergi Roberto ayaa u muuqda mid godkiisa biyo ugu galeen kaddib markii xabsiga loogu taxaabay dalka Greece-ka.Roberto ayaa xilli ciyaareed adag lasoo dhammaystay kooxdiisa Barcelona maadaama oo ay wareega 16-ka kaga hadheen UEFA Champions League sidoo kalena booska saddexaad ka galeen miiska kala sarreynta horyaalka La Liga.Qalbi jabkii xilli ciyaareedka ayuu Roberto oo kamida kabtanada Barcelona u raacaa inaan mustaqbalkiisa meel lagu…

“Haddii Aanu Ku Guuleysano Euro Waxaanu Ku Tartami Doonaa….” –

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Olivier Giroud ayaa ku kaftamay in haddii xulkiisa France uu ku guuleysto tartanka Euro ee bishan furmaya uu tartan la gali doono dhigiisa xulka ee Karim Benzema.Benzema ayaa dhawaan kusoo laabtay xulka France kaddib markii uu ka maqnaa mudo shan sano ah iyadoo intaas uu xulku gaadhay Final-ka Euro 2016 sidoo kalena ku guuleystay Koobkii Aduunka ee 2018.Giroud oo la hadlayay il-wareedka Le Figaro ayaa sheegay inuu Benzema kula tartami doono gawaadhida yar-yar ee Go-Kart loo yaqaano maadaama oo…

WOW: Paul Pogba Oo Doortay Xiddiga Mudan Ballon d’Or, Ronaldo Iyo

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Labile Pogba ayaa doortay ciyaaryahanka u qalma abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan 2020 xilli uu diiday ciyaaryahanada jiilkan hormoodka u ah ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.Pogba ayaa ciyaaryahanka u qalma u doortay saaxiibkiisa xulka ee N’Golo Kante oo tartanka UEFA Champions League kula soo guuleystay Chelsea.Ronaldo iyo Messi ayaa labaduba xilli ciyaareedkan Barcelona iyo Juventus kula fashilmay ku guuleysiga horyaal halka ay sidoo kale labaduba wareega 16-ka ee…

Waad Iska Tegi Kartaa! Thomas Tuchel Oo Qorshihiisa Ka Saaray Xiddiga

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa xiddigaha ay xagaagan iibinayso ku dartay laacibka Muslimka ah ee Hakim Ziyech oo sannad ka hor ay kala soo wareegtay Ajax.Hakim Ziyech ayaa Chelsea u saftay 39 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaanu ahaa laacibkii kooxdan ku hoggaamiyey in ay timaaddo finalka FA Cup, dhaliyeyna goolkii dilay Man City sem–finalkii, hase yeeshee waxa hadda la sheegayaa in aanu ku jirin qorshaha tababare Thomas Tuchel.Sida uu qoray wargeyska Calciomercato ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga, labada kooxood…

Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Wargeysyada Waaweyni

Manchester United ayaa loo sheegay in ay bixiso £81.5 milyan oo Gini oo kaash ah si ay ula saxeexan karto weeraryahanka reer England ee Jadon Sancho oo 21 jir ah. (Mirror)Man City ayaa heli doonta £11 milyan oo Gini haddii Manchester United ay iibsato Jadon Sancho, sababtoo ah, Etihad Stadium ayuu kusoo barbarbaaray laacibkan da’da yar. (Mirror)Tottenham ayaa raadinaysa tababare waxaanay wada-hadallo kula jirtaa macallinka Ajax ee Erik ten Hag oo 51 jir ah, kaddib markii ay burbureen wada-hadalkii Antonio Conte.…

WARBIXIN: 624 Xiddig Oo Ka Qayb-gelaya EURO 2020, Kooxaha Ciyaaryahanadda

24ka waddan ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya, waxa mid walba uu haystaa 26 ciyaartoy, taas oo tirada guud ee xiddigaha kasoo muuqanaya tartankan ka dhigaysa 624, waxaanay tiradani halkan gaadhay markii ay UEFA beddeshay tirada loo ogol yahay waddamada ka qayb-gelaya tartankan.Sharciga ayaa hore u dhigayey in 23 ciyaartoy uu waddan kastaa soo magacaabo, laakiin Fayraska Korona dartii iyo halista ay ciyaaryahannadu ugu jiraan inuu ku dhaco oo ay karantiil galaan ayaa sababtay in UEFA ay tirada…

Sharcigii Muranka Dhaliyey Ee Kubbadaha Sida SHILKA Ah Gacanta Ugu

Goolasha ka dhasha tartanka Euro 2020 meesha lagama saari doono haddii ay kubaddu si shil ah ama kama’ ah gacanta ugaga dhacdo weeraryahanka goolka dhalinaya, sida UU shaaciYay xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA.Xilli ciyaareedkii hore, sharcigan ayaa muran badan dhaliyey, waxaana uu dhigayay in kubbad kasta oo gacanta kusoo dhacda waqtiga ay kubadda soo dhisayaan kooxda weerarka ah, aan la siinayn gool haddii ay awoodaan inay dhaliyaan, taas oo dad badan ay saluug ka muujiyeen.Arrintii ugu caansanayd ee xilli…

“Xabaasha Ayuu Johan Cruyff Kasoo Bixi Lahaa Cadho Darteed, Haddii Uu

Dhalleecayn badan ayaa ka dhalatay kulankii barbarra 2-2 kusoo dhamaaday ee xulka qaranka Netherlands iyo Scotland, waxaana tababare De Boer lagu canaanayaa shaxda iyo taatikadii uu kulankaas  ku dheelay.Tababaraha Frank de Boer ayaa ku ciyaaray qaab ahaa 5-3-2 oo uu awoodda saaray khadka difaaca, waxaanu ku mutaystay canaan badan iyadoo lagala hormaray laba gool balse uu badbaadiyey Memphis Depay oo labada goolba u dhaliyey.Netherlands oo ka mid ahayd kooxaha laga dheegto kubadda cagta, laguna yaqaano qaab ciyaareed…

Manchester United Oo Rikoodhka Iibka Ciyaaryahanadda Ingiriiska Jabinaysa

Kooxda kubadda cagta Manchdster United  ayay tahay in ay jabiso rikoodhkii u yaallay iibka ciyaartoyda ee kooxaha ka dhisan guud ahaan Britain, haddii ay doonayso in ay lasoo saxeexato xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo ka tirsan Borussia Dortmund.Manchester United oo uu saamayn ku yeeshay Fayraska Korona ayaa sannadkii hore waxay u dhowaatay in ay £108 milyan oo Gini kula soo wareegto Sancho, laakiin labada kooxood ayaa xilli dambe isku afgaran waayey saayiraad ay dalbanaysay Red Devils, hase yeeshee mar kale ayey Red…