Indho Aan Chelsea Ahayn Malaha!! – Halyeey Michael Ballack Oo Xalay

Xiddigii hore ee kooxda Chelsea ee Michael Ballack ayaa u muuqday mid aan lahayn indho aan ahayn kooxdiisii hore iyo kulankeedii xalay walow uu ku sugnaa wakhtigaas goob baar ah oo waxyaabo kale lagu mashquuli karayay.

Chelsea ayaa xalay isku hubsatay koobkeedii Champions League ah ee labaad kaddib markii ay guul 1-0 ah ka gaadheen Manchester City iyadoo gool uu daqiiqadii 42-aad dhaliyay Kai Havertz lagu kala calaf-qaaday.

Xiddigii hore ee Chelsea ee Ballack ayaan tagin magaalada Porto si uu u daawado kooxdiisii hore balse joogay goob baar ah oo uu ku xafladaysan karo ciyaarta kaddib.

Muuqaal layaab leh oo baraha bulshada ruxay oo laga soo duubay, Ballack ayaa fadhiya dhinaca masraxa lagu magacaabo Lio oo ku yaala magaalada loo dalxiis tago ee Ibiza.

Arrinta soo jiidashada leh ayaa ah in xiddigii hore ee Germany uusan hal mar eegin dumarka masraxa saaran ee halkaas ku samaynayay qoob ka ciyaarka balse uu taas bedelkeeda toos u fiirinayay dhalada hortiisa taalay ee uu ciyaarta ka daawanayay.

Kaddib markii ay soo dhammaadeen toddoba daqiiqo oo ciyaarta lagu daray, Ballack ayaa intaas kaddib ku raaxaysan karayay goobta uu ku sugnaa iyadoo kooxda tababare Thomas Tuchel ay koobka ugu dhex dabaaldegtay magaalada Porto.

Ballack ayaa usoo ciyaaray Chelsea intii u dhaxaysay 2006 ilaa 2010 isaga oo kula soo guuleystay Premier League, saddex FA Cup iyo League Cup.

Waayihiisii magaalada London ayaan gaadhin xilli ciyaareedkii 2011-12 markaas oo ay Blues ku guuleysteen Champions League in badan oo kamid ah asxaabtiisii hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More