Kane Mise Sancho? Man United Oo Go’aamisay Xiddiga Ay Saxeexiisa
Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay kala dooratay xiddigaha lala xidhiidhinayo ee Jadon Sancho oo garab weerar uga ciyaara Borussia Dortmund iyo weeraryahanka dhexe ee Tottenham ee Harry Kane.
Solskjaer ayaa bilaabay shaqada kooxdiisa ee xilli ciyaareedka dambe kaddib markii kulankii ugu dambeeyay xilli ciyaareedkii dhammaaday lagaga guuleystay UEFA Europa League.
Ole ayaa qorshe cusub la dajiyay agaasimaha suuqa ee cusub ee John Murtough waxaana ay gabi ahaanba ka reebeen Harry Kane sida ay sheegayaan wararka cusubi.
Heshiis kordhintii dhawaan uu sameeyay Edinson Cavani ayaa ka dhigan in saxeexa weeraryahan dhexe uusan aad muhiim ugu ahayn Manchester United iyaga oo bedelkeeda muhiimada koowaad siinaya garab weerar oo midig oo ah Sancho.
Sancho oo 21 sano jir ah ayaa dhawaanahan qaab ciyaareed cajiib ah usoo samaynayay Borussia Dortmund isaga oo kasoo caawiyay ku guuleysiga DFB Pokal iyo inay usoo baxaan Champions League xilli ciyaareedka dambe xilli uu 10 gool kusoo dhaliyay 15-kii ciyaarood ee u dambeeyay.
Saxeexa Sancho ayaa noqon doona mid ku dhawaad 80 Milyan oo pound ah taas oo ka dhigan in Red Devils ay kaliya hal saxeex oo weyn samayn karaan xagaaga maadaama oo ay saamaynta Korona Fayras ku sababtay khasaare 150 Milyan oo euro ah inay galaan.
Solskjaer ayaa u sheegay madaxda kooxdiisa in weeraryahyanadiisa Cavani, Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Mason Greenwood ay ugu filan yihiin inay koobab waaweyn u tartamaan xilli ciyaareedka dambe.
Warka ayaa intaas ku daraya in qorshaha Solskjaer uu yahay inay xilli ciyaareedka dambe u dhaqaaqaan saxeexa ciyaaryahankiisii hore ee Erling Haaland kaas oo suuqa 2022 lagu heli doono kaliya 66 Milyan oo pound.